Wednesday, August 23rd, 2017
Advertisements
Advertisements

Cristiano Ronaldo Oo Isniin Barri Ah Ka Soo Hor Muuqanaya Maxkamada Madrid

Published on July 30, 2017 by   ·   No Comments

Xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa markii ugu horaysay barri oo isniin ah ka soo hormuuqan doona maxkamada dalka Spain ee  Pozuelo de Alarcon oo uu fadhigeedu yahay magaalada Madrid iyada oo la soo gaadhay waqtigii loo muddeeyay kiiska cashuur lunisga ah ee Ronaldo lagu soo oogay.

Kiiska maxkamadeed ee Cristiano Ronaldo ayaa si rasmi ah uga furmaya magaalada caasimada Madrid waxaana markii ugu horaysay Ronaldo la waydiin doonaa su’aalo badanoo kiiskiisa la xidhiidha. Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo oogay dacwad ah in uu lunsaday lacag cashuur ah oo gaadhaysa 14.7 milyan euros taas oo la sheegay in uu shirkado ka baxsan Spain uu ku wareejiyay xuquuda sawirkiisa si uu uga baxsado cashuurta qaaliga ah ee Spain.

Cristiano Ronaldo ayaa markii ay xaaladani soo baxday si wayn uga cadhooday wuxuuna u arkay in sumcadiisii la dhaawacay waxaana jiray go’aan uu ku doonayay in uu kaga baxo Spain inkasta oo kiiskiisu aanu saamayn ku lahayn sii joogista ama bixitaanka Ronaldo ee Spain wuxuuna kiiskiisu socon doonaa ilaa inta go’aan laga soo saarayo.

Sida la xaqiijiyay barri oo ay taariikhdu tahay Isniin July 31 ayuu Cristiano Ronaldo soo gaadhay doonaa  Pozuelo de Alarcon isaga oo maxkamada kaga soo hor muuqan doona saraashiisa baadhitaanka kiiskiisa gacanta ku haysa waxayna maxkamadu bilaamidoontaa 11:30 CET. iyada oo Ronaldo uu ka jawaabi doono xisaabaadka cashuur lunsi ee loo haysto inuu bixin waayay intii u dhexaysay sanadihii 2011 ilaa 2014.

Maxkamada Madrid ee Pozuelo de Alarcon  ayaa barri noqon doonin mid furan oo dhegaysigeeda laga soo qayb gali doono balse waxay noqon doontaa mid ay albaabadu u xidhan yihiin oo lagu sii wadi doono baadhitaankii socday waxaana Ronaldo laga waraysan doonaa eedaymaha loo haysto.

Ronaldo ayaan ahayn ciyaartoygii ugu horeeyay ee kiis cashuur lunsi ah looga soo oogo dalka Spain waxaana hore xukuno loogu jiray Lionel Messi, Javier Mascherano, Angel Di Maria iyo xidigo la mid ah waxaana sidoo kale dacwado lagu soo oogay Jose Mourinho, Fabio Coentrao, iyada oo waliba ciyaartoyda uu Jorge Mendes wakiilka ka yahay si wayn baadhitaanlo loogu bilaabayo.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Angola oo maanta loo dareerayo doorasho guud

August, 23, 2017
Dalka Angola maanta waxaa loo dareerayaa codbixinta doorashada guud ee dalkaasi. Codbixiyeyaasha ayaa dooranaya shakhsigii badali lahaa madaxweyne Jose ...

Britain oo Beesha Caalamka ka codsatay in lagu garab siiyo caawinta dadka abaaraha ay saameeyeen ee ku nool Soomaaliya

August, 23, 2017
Dowladda Britain ayaa Beesha caalamka ugu baaqday in lagu garab siiyo dadaallada ay ku bixineyso caawinta dadka abaaraha ...

Maxkamadda sare ee Madrid oo lasoo taagay Afar nin oo lagu eedeeyey weerarkii ka dhacay Barcelona

August, 23, 2017
Maxkamadda sare ee Magaalladda Madrid ee dalka Spain waxaa lasoo taagay afar nin oo lagu eedeeyey inay ka ...

Xiisad u dhaxeysa Galmudug iyo Ahlusuna oo saaka ka taagan deegaanka Mareergur

August, 23, 2017
Xiisad u dhaxeysa Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna ayaa saaka ka taagan deegaanka Mareergur ee gobolka Galgaduud, kaddib markii ...

Deg deg:- Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo Goordhaweed Jowhar ku Geeriyooday.

August, 22, 2017
Xildhibaan Aadan Macalin oo kamid ahaa Xildhibaanada Hir-Shabeelle ayaa Goordhaweed ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Magaalada Jowhar ee ...

Madaxweynaha Soomaaliya Oo faah faahin Ka bixiyay Safarkii uu Ku Tagay Dalka Masar

August, 22, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo galabta dalka dib ugu soo laabtay ayaa faray Xukuumadda inay dabagal ku ...

{DAAWO SAWIRADA} Micheal Keating Oo Maanta Gaaray Magaalada Kismaayo

August, 22, 2017
Wafdiga maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubbada hoose ayaa waxaa hogaaminaayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada ...