Friday, July 21st, 2017
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Ciyaaryahan ka tirsanaan jiray Manchester United oo isku bedelay Baadari weyn

Published on July 12, 2017 by   ·   No Comments

Ciyaaryahan kasoo ciyaaray Horyaalka heerka koobaad ee dalka Ingiriiska una soo saftay kooxda caanka ah ee Mancheser United ayyaa isku bedelay baadari weyn oo faafiya diinta Karishtaanka , kadib markii uu gabi ahaan ka fariistay ciyaaraha .

Philip Mulryne oo u dhashay dalka Ireland una soo ciyaaray xulka qarankaasi iyo Kooxda Mancheter United ayaa gabi ahaan faraha kala baxay Ciyaaraha, waxa uuna ninkan hada isku bedelay Baadari katirsan kaniisadaha dalka Ireland halkaas uu ku faafinayo diinta kirishtaanka.

Ciyaaryahankii hore ee Kooxda Manchester ayaa maalintii sabtida munaasabad ka dhacday magaalada Dublin waxaa loogu caleemo saaray in uu noqdo Baadari katirsan Mad-habta Roman Catholic , waxaana munaasabada caleemo saarka kasoo qeyb galay baadariyaal weyn uu ku jiro Joseph Augustine Di Noia.

Philip Mulryne ayaa kooxda Machester United kusoo biiray sanadkii 1997-dii , waxa uuna kooxdan u ciyaarayay mudo labao sano ah isagoona sanadkii qaadanayay mushaar dhan 600,000 oo Pound, waxa uuna sidoo kale ciyaayahankan baadariga isku bedelay usoo ciyaaray kooxaha Norwich City iyo Leyton Orient.

Baadari Mulryne oo ciyaaraha ka fariistay sanadkii 2009-kii ayaa u weecday dhinaca waxbarashada waxa uuna ku biiray jaamacad lagu barto Diinta Kirishtaanka, waxa uuna wacad ku maray in uusan maal aduun raadineyn balse ka shaqeenayo faafinta diinta Karshtaanka.





Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Faah faahin Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Sanaag

July, 21, 2017
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed, kaasi oo ka ...

{DAAWO SAWIRADA} DF oo ka hadashay Gaari Qaraxyo siday oo lagu qabtay Ceelasha Biyaha

July, 21, 2017
Ciidamada Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa shalay gelinkii dambe gacanta ku dhigay gaari waxyaabaha qarxa laga ...

Sucuudiga oo isku shaandheeyey waaxda nabadgelyada

July, 21, 2017
Qaraarro boqortooyo oo dhawr ayaa Sucuudigu soo saaray kuwaas oo lagu bilaabay isku shaandhaynta saraakiil sar sare. Waxaana ka ...

Inku Dhow saddex kun oo arday oo ku dhacday imtixaanka Dugsiga Sare ee Dowlada Soomaaliya

July, 21, 2017
Arday tiradoodu gaareyso 2883 arday ayaa ku dhacday halka ay ku baaseen ama ku gudbeen arday gaareysa 15, ...

Madaxweynaha Soomaaliya:. Waxaan Ka Digeeyna In Dalka Uu Ka Dhaco Dagaal Qabiil.

July, 21, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo ...

Madaxweyne Gaas Oo Ugu Baaqay Shacabka Puntland Ineey Udiyaar Garoobaan Xuska 1-Agoosto

July, 21, 2017
) Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta shir guddoomiyey shirkii caadiga ahaa ee golaha wasiirrada,balse shirka wuxuu ...

Turkiga iyo Jarmalka oo isku khilaafay xarigga suxufi dhalashada Jarmalka haysta

July, 21, 2017
Khilaafka u dhexeeya Turkiga iyo Jarmalka ee ku saabsan xadhiga qof u dhaqdhaqaaqa xuquuda aadanaha oo Turkigu xidhay ...