Tuesday, September 19th, 2017
Advertisements
Advertisements

Kooxda Daacish oo shaacisay hoggaamiyahooda cusub kaddib geeridii Al-Baqdaadi

Published on July 17, 2017 by   ·   No Comments

Kooxda Daacish ee ka dagaallanta dalalka Ciraaq iyo Syria ayaa shaacisay geerida Hoggaamiyihii kooxdaas Abuubakar Al-Baqdaadi,waxaana ay ku dhawaaqday Qofka ay ku beddeleen.

War ka soo baxay Kooxda Daacish ayaa lagu sheegay in hoggaamiyihii Kooxda lagu dilay duqeyn dhanka Cirka ah oo uu Ruushka sheegtay Bishii hore hayeeshee ay kooxda muddo ka gaabsaneysay.

Hoggaamiyaha Cusub ee Kooxda Daacish waxaa lagu magacaabaa Mohamed Ben Salem Al Ayouni balse gudaha kooxda Daacish looga yaqaan Jalaludiin Al Tunisi.

Jalaaluddiin,waxaa uu sidoo kale heystaa dhalashada Dalka Frnace oo ka mid ah Waddamada Yurub ee ay ka baxaan Dhallinyarada ugu badan ee u dagaallam Daacishta Ciraaq iyo Syria.

Sida ka muuqata Magaciisa waxaa uu ka soo jeedaa Dalka Tunisia ee Qaaraddan Afrika,waxaana u dheer dhalashada Frnace waxaana lagu beddelay hoggaamiyihii hore ee Kooxda Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi.

Daacish ayaa 2014kii looga dhawaaqay magaalada Mosil ee Waqooyiga Dalka Ciraaq,waxaana Magaaladaas gacanta ku dhigay Ciidanka Ciraaq bishan gudaheeda kaddib 9 bilood oo uu socday dagaal u dhaxeeya Dowladda iyo Xulafadeeda iyo Ururka Daacish.

TV-ga Al Sumaria,oo soo xiganaya ilo ka tirsan Daacish ayaa baahiyay Geerida Baqdaadi,waxaana ay qarinayeen muddo ka badan 10 Maalmood.

Wasaaradda Difaaca Dalka Ruushka ayaa sheegtay in Abuubakar ay ku dishay duqeyn ka dhacday Xarunta Daacish ee Raqqa oo hadda uu saaran yahay guluf dagaal.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Ra’islawasaaraha Itoobiya oo Oromada iyo Somalida wadahadal uga furay Adis ababa.

September, 19, 2017
Ra’islawasaaraha Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn  ayaa kulan wadahadal ah u qabtay madaxda Maamullada Soomaalida iyo Oromada Dalka Itoobiya. Kulanka ...

Maxkamad Ku Taalo Gaalkacayo Oo La Geeyey nin lagu eedeeyay inuu nabi Muxamad (NNKH} u Gefay

September, 19, 2017
Maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn loo hadal haayay nin la sheegay in uu meel dhigay sawir ...

DAAWO: Madaxweyne Cali Cabdulahi Cosoble Oo War Kasoo Saaray Doorashadii Hirshabeelle

September, 19, 2017
Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo Magaalada Nairobi wareysi ku siiyay Tv-Universal ayaa ka hadlay ...

{DAAWO SAWIRRADA} Diyaarad qaad siday oo maalintii Labaad ka Degtay Buuhoodle

September, 19, 2017
Magaalada Buuhoodle ayaa Maalintii Labaad, waxaa ka degtay diyaarad qaad ka keentay dalka Kenya ka dib markii uu ...

Mareykanka oo ka Hadlay dagaalka Soomaalida iyo Oromada

September, 19, 2017
Dowladda Mareykanka ayaa u sheegtay Itoobiya in ay baarto 55 qof oo la sheegay in ay ku dhinteen ...

{DHAGEEYSO+AKHRISO} Culimadda Soomaaliyeed oo Bayaan ka soo saaray ninka u gafay Nabiga (NNKH)

September, 19, 2017
Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ayaa war kasoo saartay nin la sheegay in uu ku sugan yahay Magaalada Gaalkacyo oo ...

{DAAWO SAWIRADA} Shabaab oo soo bandhigay rag Ajaanib ah

September, 19, 2017
Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay Muuqaal Video ah oo ay ka duubeen Saddex nin oo u dhashay dalka ...