Sunday, July 23rd, 2017
Advertisements
Advertisements

DEG-DEG: Man City Oo Bixinaysa Lacagtii Ay Tottenham Ku Doonaysay Walker Iyo Sky Blues Oo Qarka U Saaran Dhamaystirka Saxiixa.

Published on July 13, 2017 by   ·   No Comments

Manchester City ayaa isku sarre taagtay sidii ay u soo afjari lahayd isla markaana ay u soo xero galin lahayd labadii bartilmaameed ee ugu muhiimsanaa ee suuqa kala iibsiga ay ka lahayd waxayna qarka u saaran tahay in ay dhamaystirto laba saxiix oo aad muhiim ugu noqon doona Guardiola. Guardiola ayaa muhiimada kowaad ka dhigtay saxiixyada difaacyada bidix iyo midig ee  Benjamin Mendy iyo Kyle Walker, wuxuuna hadda ku dhaw yahay in uu Etihad Stadium ku helo.

Warar hadda soo baxya ayaa sheegaya in Manchester City ay ugu danbayn ogolaatay in ay bixiso lacagta 50 milyan ee gini ah ee ay Tottenham dul dhigtay saxiixa difaaca midig ee Kyle Walker kaas oo doonaya inuu Spurs iskaga baxo. Wariyaha wargayska Telegraph ee Matt Law ayaa si khaas ah u xaqiijiyay in Manchester City ay bixinayso lacagtii ay Tottenham ku xidhay ee 50 milyan ee gini ahayd si ay u hesho saxiixa Walker.

Sidoo kale Matt Law ayaa sheegay in iibkani uu labada kooxoodba faa’iido wayn u yahay isaga oo sheegay in Tottenham ay lacag badan ka helayso ciyaartoy markii horeba doonayay in uu kooxdeeda ka baxo halka uu sheegay in Manchester City ay helayso difaac midig oo heer sarre ah.

Waxayna hadda u muuqataa in Manchester City ay galayso dhamaystirka heshiiska Kyle Walker laakiin sidoo kale Manchester City ayaa qarka u saaran in ay kooxda AS Monaco kala heshiiso iibka difaaca bidix ee  Benjamin Mendy wuxuuna Sky Sports xaqiijiyay in 24 kii saacadood ee la soo dhaafay ay Man City heshiiskan ka samaysay horumar aad u wayn.

Sky Sports ayaa sheegay in AS Monaco ay 50 milyan oo gini ku doonayso heshiiska Benjamin Mendy  taas oo lamicno ah in Manchester City ay 100 milyan oo gini ku kharash garaynayso difaacyadeeda midig iyo bidix oo uu Guardiola doonaya in ay ka ciyaaraan Kyle Walker iyo Benjamin Mendy.

Manchester City ayaa doonaysa in ay AS Monaco ku qanciso dalab gaadhaya 40 milyan oo gini laakiin kooxda ree France ayaan aqbali karin wax ka hooseeya 50 milyan oo gini.Benjamin Mendy ayaa maalmihii ugu danbeeyay barihiisa bulshada soo dhigayay fariimo muujinaya in uu Premier Leaque-ga iyo Manchester City ku soo jeedo.

Monaco ayaa haddaba la soo wareegtay  badalka tooska ah Benjamin Mendy  waxayna 12 milyan oo gini ku soo qaadatay difaacii koxoda  Feyenoord ee Terence Kongolo waxayna Manchester City adeega Benjamin Mendy  u ogolaan doontaa haddii ay hesho qiimaha 50 milyan ee gini ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in Manchester City ay dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqi doonto heshiisyada Kyle Walker oo jimcaha tijaabada caafimaadka mari doona  iyo Benjamin Mendy  taas oo Guardiola ka caawin doonta in uu helo dhamaan bartilmaameedyadii ugu muhiimsanaa ee uu suuqa ilaa hadda ka lahaa.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Dowladda oo War kasoo saartay Maxaabiistii laga soo celiyay Itoobiya

July, 23, 2017
Ugu Yaraan hal qof ayaa ku dhintay ka dib markii Konteenar saarnaa Markabka ay dejinaayay Shaqaalaha dekedda Magaalada ...

Shaqaale ku dhintay Kunteenar ku dala dhacay Dakada Muqdisho

July, 23, 2017
Ugu Yaraan hal qof ayaa ku dhintay ka dib markii Konteenar saarnaa Markabka ay dejinaayay Shaqaalaha dekedda Magaalada ...

Xildhibaan Mahad Salaad“Dalkaan laguma maamuli karo Wareegto iyo War saxaafadeed”

July, 23, 2017
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si adag uga fal celiyay go’aanada ay soo saaraan hey’adaha amniga dalka, isagoo ...

Wasiir Xoosh oo Ka hadlay Go aankii Ay Ka qaateen Baarlamaanka 8-dii Xildhibaan Oo Doorashadooda Muran Kajirtay

July, 23, 2017
Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in baarlamaanka aysan awood u laheyn inay jabiyaan go’aankii ay ...

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Cosoble Oo So gabagabeyay Tartan Kubada Cagta Oo Baladweyne Ka socday

July, 23, 2017
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa manta ka qeeyb galay Ciyaartii ugu danbeeysay ee lagu soo ...

Nabad Sugidda Soomaaliya oo saraakiil Al-shabab ka tirsan ku qabatay Magaalada Gaalkacyo

July, 23, 2017
Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa howlgal ay ka fuliyeen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ay ku ...

Al-shabaab oo Odayaasha Gobolka Sh/hoose kaarar aqoonsi ah u sameeyay

July, 23, 2017
Xarakada Al-shabaab ayaa Odayaasha Gobolka Shabeellaha hoose u qabatay Dowro ama Siminaar lagu barayay kutubta qaar,waxaana Odayaasha oo ...