Monday, December 11th, 2017
Advertisements
Advertisements

Go’aanka Wuxuu U Baahan Yahay Geesinimo Dani Alves Oo Si Dadban Ula Hadlay Xidiga PSG Lala Xiriirinayo

Published on July 30, 2017 by   ·   No Comments

Daafaca midig ee Paris Saint Germain Dani Alves ayaa ku booriyay saxiibkiisa qaranka NBrazil inuu noqdo mid geesi ah oo aan cabsi muujin mark ay timaato in lala xaalo xaaladda suuqa kala iibsiga iyo inuu rikoor sare ugu yimaado kooxda ka dhisan Paris.

Dani Alves oo xagaagii 2016 kasoo guuray Barcelona una guuray Juventus ayaa xagaagan kasii guuray Turin wuxuuna u guuray Paris, balse wuxuu dareensan yahay iney geesinimo tahay go’aanada uu kaga tagay kooxahiisa.

Mid ka mid ah ciyaartoyda ugu guulaha badan dunida ayaa xalay koobkiisii ugu horeeyay la qaaday Paris Saint Germain markii ay 2-1 kaga adkaadeen Monaco kulan ka tirsan Super Cup-ka France wuxuuna ahaa dhaliyaha mid ka mid ah goolasha.

“Waa muhiim go’aankaaga, waana nuuca go’aan ee ay tahay inuu ninka ragga ah qaato. waa mid ka mid ah saaxibadeyda ugu fiican, mar walba ayaan doonaa inuu dhinaceyga ahaado, balse ma faragalin doono” ayuu yiri Dani Alves.

“Waan ka caawiyay inuu yimaado Barcelona, aniga go’aanka isaga uma qaadin balse waxaan u sheegay kaliya waxa uu Barcelona kaga helay, wuxuuna go’aansaday inuu yimaado, go’aanka wuxuu u baahan yahay geesinimo, aniga waxaan ahay qofka ugu geesisan dadka oo dhan”

“Waa go’aan ay tahay inaad si taxadar leh u qaadato balse waa inaad noqoto anaani, hadii aan hal talo ku siinayo waxey noqon doontaa: Noqo mid geesi ah aduunka waxaa iska leh kan geesiga ah”

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Banaadir oo 3-0 ku dhufatay Xiddigaha Galmudug cayaar qeyb ka ah Tartanka maamul gobolleedyada

December, 11, 2017
Kulankan oo qeyb ka ah Tartanka maamul gobolleedyada ayaa waxaa ku awood sheegtay xulka Kubadda Cagta gobolka Banaadir ...

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Istanbuul,

December, 11, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Istanbuul ee dalka ...