Hordhac: Chelsea vs Bayern Munich Morata Iyo James Oo Iska Hor Imaan Doona Xilli Conte Uu Wajahi Doono Ancelotti.

0
3

Kooxaha Chelsea iyo Bayern Munich ayaa isku wajahi doona galabta kulan ka tirsan International Championship Cup qeybtiisa Singapore, waana marka ay is wajahayaan saaxiibadii hore Real Madrid Alvaro Morata iyo James Rodriguez.

Sidoo kale waxaa iska hor imaanaya macalimiinta reer talyaani Carlo Ancelotti iyo Antonio Conte kuwaas oo kala hogaaminaya labada kooxood, waxeyna kulamadaan qeyb ka yahiin ciyaarahha ay ugu diyaar garoobaan kooxaha xilli ciyaareedka cusub.

Bayern Munich iyo Chelsea labaduba waxey lasoo wada ciyaareen Arsenal – Blues 3-0 ayey ku qaarijisay kooxda ay London ka wada dhisan yahiin halka Bayern ay guuldaro la kulantay markii lagu qaarijiyay rigoore.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Chelsea vs Bayern Munich

Tartanka: International Championship Cup

Garoonka: Singapore National Stadium

Saacadda: 2:35 Galabnimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD:

Chelsea:

Antonio Conte wali ma uusan helin Eden Hazard, sidoo kalana gacan kuma haayo Tiemoue Bokayoko oo dhaawac sidoo kale qaba.

Si kastaba Fabregas, Kante iyo Batshuayi ayaa diyaar ah halka Matic iyo Diego Costa laga fasaxay kulamada saaxiibtinimo si ay u xaliyaan mustaqbalkooda. Pedro isna wuu miir-daboolmay kulankii Arsenal sidaas darteed wuxuu kusoo laabtay London.

Bayern Munich:

Tababare Carlo Ancelotti waxaa isna hareeyay dhaawacyo madama uusan heli karin Manuel Neuer, Arjen Robben iyo da’yaka Fabian Benko halka uu fasax dheeraad ah siiyay ciyaartoydii kasoo muuqatay koobka Confederation Cup ee ka dhacay Russia – Arturo Vidal, Niklas Sule, Sebastian Rudy iyo Joshua Kimmich.

KULAMADII UGU DAMBEEYAY LABADA KOOXOOD:

Aug 30, 2013: Bayern 2(P)-2 Chelsea (UEFA Super Cup)
May 19, 2012: Bayern 1-1(P) Chelsea (Champions League Final)
Apr 11, 2005: Bayern 3-2 Chelsea (Champions League Semi-Finals)
Apr 5, 2005: Chelsea 4-2 Bayern (Champions League Semi-Finals)

SHAXDA MACQUULKA AH:

Chelsea:

Caballero, Luiz, Azpilicueta, Rudiger, Moses, Kante, Fabregas, Alonso, Willian, Kenedy, Batshuayi

Bayern Munich:

Starke, Gotze, Hummels, Alaba, Bernat, Tolisso, Martinez, Ribery, James, Muller, Lewandowski

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here