Wednesday, August 23rd, 2017
Advertisements
Advertisements

Hordhac: Real Madrid vs Barcelona: El-Clasico Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Caawa Saqda Dhexe Ka Dhici Doona Miami.

Published on July 29, 2017 by   ·   No Comments

Kulankii la wada sugayay ayaa caawa dhici doona markaas oo ay iska hor imaan doonaan kooxaha ugu weyn waqtigaan kubadda cagta Real Madrid & Barcelona waana ciyaar ka tirsan koobka loogu magac daray International Championship Cup.

Kulankaan xiiso gaar ah ayuu u leeyahay tababaraha cusub ee Barcelona Ernesto Valverde, waana kulankiisii ugu horeeyay ee El-Clasico inkastoo uusan aheyn tartan rasmi ah hadana mar kale ayuu waayahiisa ciyaaraha rasmiga ah ku bilaaban doonaa kulanka Supercoppa Spain ee uu la ciyaari doono isla Real Madrid.

Si kastaba labada kooxood wuxuu kulankaan u yahay tijaabo iyadoo Barcelona labadii kulan ee ay ciyaartay tartankaan ay guulo ka gaartay Juventus iyo Manchester United halka Real Madrid ay laba guuldaro ka qaadatay Man City & Man United.

 

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Real Madrid vs Barcelona

Tartanka: International Championship Cup

Garoonka: Hard Rock Stadium – Miami.

Saacadda: 3:00 Saqda Dhexe (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

REAL MADRID:

Cristiano Ronalod ayaa seegaya kulankaan kaas oo wali ku jira fasaxii ay siisay kooxda, Zidane wuxuu dooran doonaa sadexleyda weerar ee ka kooban Bale, Benzema iyo Isco, balse Toni Kroos ayaa laga yaabaa inuu soo laabto kaas oo seegay kulankii City.

Sergio Ramos ayaa dib ugu soo laabtay tababarka waxaana macquul ah inuu kusoo bilowdo kulanka caawa.

BARCELONA:

Gerard Deulofeu iyo Rafinha waa dhaawac mana kasoo muuqan doonaan kulanka caawa halka Marc-Andre ter Stegen iyo Andre Gomes ay wali ku jiraan fasaxii la siiyay madama ay ka qeyb galeen Confederation Cup.

Ernesto Valverde xooga ayuu saari doonaa kulankaan qeybta hore isagoo adeegsan doona MSN – Messi, Suarez iyo Neymar.

Samuel Umititi, Javier Mascherano iyo Gerard Pique laba ka mid ah ayuu kusoo bilaabi doonaa daafaca dhexe tababare Valverde.

XOGTA KULANKA:

Real Madrid iyo Barcelona ayaa guuleystay min sadex jeer, halka 1-jeer ay barbaro galeen marka la fiiriyo 7-dii kulan ee ugu dambeysay oo ay is arkaan.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay labadaan kooxood is arkaan waa kii dhacay April sanadkaan markaas oo ay Barcelona 3-2 ku adkaatay, Leo Messi ayaana dhaliyay goolka guusha.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Real Madrid: Navas; Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo; Modric, Casemiro, Kroos; Bale, Benzema, Isco.

Barcelona: Cillessen; Semedo, Pique, Umtiti, Alba; Rakitic, Busquets, Iniesta; Messi, L. Suarez, Neymar.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Angola oo maanta loo dareerayo doorasho guud

August, 23, 2017
Dalka Angola maanta waxaa loo dareerayaa codbixinta doorashada guud ee dalkaasi. Codbixiyeyaasha ayaa dooranaya shakhsigii badali lahaa madaxweyne Jose ...

Britain oo Beesha Caalamka ka codsatay in lagu garab siiyo caawinta dadka abaaraha ay saameeyeen ee ku nool Soomaaliya

August, 23, 2017
Dowladda Britain ayaa Beesha caalamka ugu baaqday in lagu garab siiyo dadaallada ay ku bixineyso caawinta dadka abaaraha ...

Maxkamadda sare ee Madrid oo lasoo taagay Afar nin oo lagu eedeeyey weerarkii ka dhacay Barcelona

August, 23, 2017
Maxkamadda sare ee Magaalladda Madrid ee dalka Spain waxaa lasoo taagay afar nin oo lagu eedeeyey inay ka ...

Xiisad u dhaxeysa Galmudug iyo Ahlusuna oo saaka ka taagan deegaanka Mareergur

August, 23, 2017
Xiisad u dhaxeysa Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna ayaa saaka ka taagan deegaanka Mareergur ee gobolka Galgaduud, kaddib markii ...

Deg deg:- Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo Goordhaweed Jowhar ku Geeriyooday.

August, 22, 2017
Xildhibaan Aadan Macalin oo kamid ahaa Xildhibaanada Hir-Shabeelle ayaa Goordhaweed ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Magaalada Jowhar ee ...

Madaxweynaha Soomaaliya Oo faah faahin Ka bixiyay Safarkii uu Ku Tagay Dalka Masar

August, 22, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo galabta dalka dib ugu soo laabtay ayaa faray Xukuumadda inay dabagal ku ...

{DAAWO SAWIRADA} Micheal Keating Oo Maanta Gaaray Magaalada Kismaayo

August, 22, 2017
Wafdiga maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubbada hoose ayaa waxaa hogaaminaayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada ...