Inuu Tiigsanayo Heerka CR7, Farqiga U Dhaxeeya Isaga Iyo Drogba, Hamigiisa Guulaha Iyo Lukaku Oo Wareysi Xiiso Leh Bixiyay.

0
10

Weeraryahanka dhawaangalka ah ee Manchester United Romelu Lukaku ayaa si ba’an u doonaya inuu raaco wadada Cristiano Ronaldo ee Red Devils isagoo isha ku haya inuu goolal iyo koobab kuula noolaado Jose Mourinho.

Lukaku xagaagan ayuu yimid Old Trafford isagoo 75 Malyan oo Pound kaga soo biiray Everton, balse ay xusid mudan tahay inuu xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 25-gool sidoo kalana uu dhaliyay 53-gool tan iyo 2014 markii uu kasoo baxay xabsigii Jose ee Chelsea.

Si kastaba weraryahankaan reer Belgium ee laba gool u dhaliyay kooxdiisa ciyaarahii saaxiibtinimo ayaa isha ku haya inuu hormar joogto ah sameeyo si uu uga mid noqdo ciyaartoyda taariikhda kubadda cagta ka sameysa.

24-jirkaan wuxuu doonayaa inuu gaaro heerka Cristiano Ronaldo kaas oo ku dhaw inuu markii shanaad ku guuleysto abaalmarinta shaqsiga ah ee Ballon d’Or sidoo kalana in ka badan 100-gool u dhaliyay United muddo 6-sano ah kulana guuleystay sadex horyaal oo Premier League ah iyo hal jeer Champions League.

“Aad baan uga fogahay heerkaas, balse waa heer aan doonayo inaan gaaro, waxaan ahay 24-jir, waxaan ahay xirmo dhameystiran, kuma dhihi karo waxaan ku jiraa waqtigeygii guulaha” ayuu yiri Romelu Lukaku.

“Waxaa jira shaqooyin badan oo ay tahay inaan qabto, waan ku faraxsanahay iney wali jirto shaqo ay tahay sidoo kale inaan qabto, taasina waxey la macno tahay inaan noqon karo mid ka fiican sida aan ahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Lukaku.

“Taasi waa waxa aan maankeyga ku heysto, mar walba waxaan doonaa inaan fiicnaado, mar walbana waxaa jira qol lagu hormaro, haatan waxaan doonayaa inaan noqdo ciyaariyahanka ugu fiican dunida inta aan awoodo”

“Waligey isma oran wanaag ku filan waad heysataa, waana cadaadis aan saarayo nafteyda, markaad u ciyaareyso United waa inaad bandhig muujisaa isbuuc walba”

Dhanka kale Romelu Lukaku ayaa ka hadlay isbarbardhiga lagu sameeyo isaga iyo Drogba walow ay yahiin laba shaqsi oo aad u kala duwan.

“Gabi ahaanba waan kala duwanahay” ayuu yiri xidigii hore Chelsea.

“Drogba waa ciyaariyahan in badan bartilmaameed ah, waxaan doorbidaa in kubadda lugteyda ku jirto kuna ordo ciyaartoyda gadaashooda”

“Waa macquul inaan ka simanahay qaab dhismeedka jirka, balse gabi ahaan waan kala duwanahay ciyaariyahan ahaan, waxaan ahay Lukaku, waxaan rabaa inaan abuuro taariikh ii gaar ah anigoo ku sugan United, isagana wuxuu ahaa mid Chelsea ah”

Ugu dambeyntii Lukaku ayaa ka hadlay guulaha uu doonayo inuu la gaaro kooxdiisa iyo hamiga uu ka leeyahay iney koobab muhiim ah ku guuleystaan.

“Macalinka wuxuu leeyahay qorshe maskaxeed, waana inaan raacnaa qorshahaas”

“Aniga ahaan, wax walba waxey iiga dhigan yahiin guul, waxaan doonayaa inaan guuleysto, hadda waxaan joogaa koox guulaha ay u yahiin waxa ugu muhiimsan, waana waxa iga dhex guuxaya, waxaan doonayaa inaan caawiyo saaxiibadeyda si aan u guuleysano kulanba kulan”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here