Saturday, September 23rd, 2017
Advertisements
Advertisements

Iska horimaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay deegaan Hoostago Balcad

Published on July 17, 2017 by   ·   No Comments

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Shabelaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyo beeleed hubeysan uu dagaal ku dhex maray deegaan dhinaca Galbeed ka xiga qiyaastii 15km degmada Balcad.

Iskahorimaadkan ayaa geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ay ku dhinteen lix ruux saddex kalana ay ku dhaawacmeen kuwaasoo ahaa maleeshiyaadkii dagaalamayay.

Dagaalka u dhexeeya maleeshiyo beeleedyada ayaa ah mid salka ku haya lahaansho dhul deegaaneed iyadoo weli ay jirto xiisada dagaalka oo bilowday gelinkii dambe ee shalay soona gaaray barqanimadii maanta. Iskahorimaadkan ayaa qaboobay kadib markii mid ka mid ah labada maleeshiyo beeleed ay dib ugu gurteen deegaan dhinaca galbeed ka xiga halka uu iskahorimaadku ka bilowday.

Duqeyda dhaqanka iyo waxgaradka degmada Balcad oo uu ugu horeeyo Ugaas Maxamedweli Ugaas Xuseen ayaa bilaabay dadaalo ay ku qaboojinayaan xiisadan iyadoo halkaa loo direy guddi dhexdhexaadiya labada maleeshiyo beeleed.

Ugaas MaxamedWeli Ugaas Xuseen ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaalamaya deegaanka Maalimey oo ka tirsan degmada Balcad inay dirirta joojiyaan ayna khilaafkooda ku dhamaystaan wadahadal.

Dagaalo ka dhashay lahaanshaha dhulka ayaa ku soo laablaabtay deegano hoos yimaada gobolka Sh/dhexe iyadoo dhowaan lagu guuleystey in la joojiyo dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac kaasoo salka ku hayay lahaanshaha dhul deegaan ka tirsan degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA}Madaxweyne Waare Oo Beledweyne Kulan Kula Qaatay Saraakiil Ka Tirsan UN-ka

September, 22, 2017
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Magaalada Beledweyne kulan kula qaatay Saraakiisha UN-ka ee ...

Madaxweyne Waare Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Guddoomiye Ku Xigeenki Beledweyne Bashiir Dhoore

September, 22, 2017
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida xalay ku timid Bashiir Xusseen Dhoore ...

{DHAGEEYSO} Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka Hadlay Xiisada Udhaxeeyso Wadamada Carabta Iyo Gu’aanka Hirshabeelle

September, 22, 2017
Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi waare ayaa Ka hadlay Xiisada udhaxeeyso Xulufada Sucuudiga oo Hogaaminayo iyo Dowlada Qatar ...

Madaxweyne Xaaf “Uma dulqaadan doono faragelinta Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha”

September, 22, 2017
Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa mar kale ku celiyay mowqifkiisa ku aadan go’aanka ay ka qaateen khilaafka Khaliijka ee ...

Duufaanta Maria oo shan iyo toban qof ku dishay jasiiradaha Caribbean-ka

September, 22, 2017
Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay labaatan qof oo kalena waa la la'yahay jasiiradaha Dominica ka dib ...

Doorashada Kenya oo dib loo dhigay Kadib Markii la sheegey in ay Jirto….

September, 22, 2017
Waxaa dib loo dhigay doorashada dalka Kenya oo hadda la qaban doono 26-ka bisha soo socota ee Octobar.Waxayna ...

{DAAWO SAWIRADA} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo kulan la Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha

September, 22, 2017
Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha ...