Wednesday, August 23rd, 2017
Advertisements
Advertisements

Isku Dhacii Neymar Iyo Semedo, Kulanka El-Clasico Ee Miami Iyo Kabtan Andreas Iniesta Oo Shirkiisa Jaraa’id

Published on July 29, 2017 by   ·   No Comments

Kabtanka Barcelona Andreas Iniesta ayaa ka codsaday saxaafadda iney ka yareeyaan ka hadalka arimaha la xiriira mustaqbalka Neymar Junior inkastoo Luis Suarez uu qiray iney ku taageeri doonaan xidigaan go’aan walba oo uu gaaro.

Barcelona & Real Madrid ayaa caawa ciyaari doona kulan ka tirsan koobka ICC, waana kulan hordhac u ah laba kulan oo ay isku arki doonaan koobka Spanish Supercopa ka hor bilowga xilli ciyaareedka soo aadan.

“Waxaan jeclaan laheen hadaa tahiin bahda saxaafadda inaadnaan in badan joogteyn weydiinta arimaha Neymar, balse aad soo afjartaan, kaliya waxaa jirta hal wado. Neymar ayaa hadli doona” ayuu yiri Iniesta.

Dhanka kale Luis Suarez ayaa soo dhexgalay shirka jaraa’id wuxuuna ka hadlay arimaha la xiriira mustaqbalka Neymar Junior.

“Neymar ayaa bixin doona sharaxaad ku saabsan mustaqbalkiisa”

“Waa inaan ku taageernaa go’aanka uu qaato” ayuu yiri Suarez.

Sidoo kale Andreas Iniesta wuxuu qiray in Barcelona ay muhiim u tahay iney heysato Neymar Jr halkii ay heli laheyd lacag u dhaxeysa 200 ilaa 300 Malyan oo Euro.

“Uma maleynayo lacag u dhaxeysa 200 ilaa 300 Malyan oo Euro iney Barcelona uga faa’iido badan tahay heysashada Neymar”

“Waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida, waxaan mar walba kooxdeyda la rabi lahaa ciyaartoyda ugu wanaagsan”

“Wax shaki ah ma galinayo inaan dhamaanteen dooneyno inuu nala sii joogo” ayuu yiri Andreas.

Walwalka mustaqbalkiisa waxaa sii kordhiyay isku dhacii dhexmaray isaga iyo Nelson Semedo intii ay tababarka ku jireen, kabtanka ayaana qiray iney tahay wax caadi ah isku dhaca laba ciyaartoy.

“Waa run wuxuu ahaa shil, kaas oo qeyb ka ahaa tababarka” Ayuu yiri Iniesta.

Andreas Iniesta wuxuu aaminsan yahay iney ahmiyad badan tahay waxa ay aduunyada ka dhaheen xaaladda ku saabsan Neymar marka la eego sida ay xaaladdu haatan tahay.

Ugu dambeyntii Andreas Iniesta ayaa ka hadlay kulanka El-Clasico ee caawa saqda dhexe dhici doona inkastoo uu aaminsan yahay inuu yahay kulan saaxiibtinimo.

“Waa kulan iska caadi ah, sababtoo ah waa kulan fasax, wuuna ka fogyahay guriga”

“Waa qeyb ka mid ah diyaar garowga waana kulan qaas ah sababtoo ah waa sida uu yahay kulanka El-Clasico”

“Waxaan rajeynayaa inuu noqdo bandhig weyn, si sax ahna loogu tixgelin doono bilowga xilli ciyaareedka, balse waxey noo ogolaan kartaa inaan helno awood iyo kalsooni dheeraad ah”

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Angola oo maanta loo dareerayo doorasho guud

August, 23, 2017
Dalka Angola maanta waxaa loo dareerayaa codbixinta doorashada guud ee dalkaasi. Codbixiyeyaasha ayaa dooranaya shakhsigii badali lahaa madaxweyne Jose ...

Britain oo Beesha Caalamka ka codsatay in lagu garab siiyo caawinta dadka abaaraha ay saameeyeen ee ku nool Soomaaliya

August, 23, 2017
Dowladda Britain ayaa Beesha caalamka ugu baaqday in lagu garab siiyo dadaallada ay ku bixineyso caawinta dadka abaaraha ...

Maxkamadda sare ee Madrid oo lasoo taagay Afar nin oo lagu eedeeyey weerarkii ka dhacay Barcelona

August, 23, 2017
Maxkamadda sare ee Magaalladda Madrid ee dalka Spain waxaa lasoo taagay afar nin oo lagu eedeeyey inay ka ...

Xiisad u dhaxeysa Galmudug iyo Ahlusuna oo saaka ka taagan deegaanka Mareergur

August, 23, 2017
Xiisad u dhaxeysa Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna ayaa saaka ka taagan deegaanka Mareergur ee gobolka Galgaduud, kaddib markii ...

Deg deg:- Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo Goordhaweed Jowhar ku Geeriyooday.

August, 22, 2017
Xildhibaan Aadan Macalin oo kamid ahaa Xildhibaanada Hir-Shabeelle ayaa Goordhaweed ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Magaalada Jowhar ee ...

Madaxweynaha Soomaaliya Oo faah faahin Ka bixiyay Safarkii uu Ku Tagay Dalka Masar

August, 22, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo galabta dalka dib ugu soo laabtay ayaa faray Xukuumadda inay dabagal ku ...

{DAAWO SAWIRADA} Micheal Keating Oo Maanta Gaaray Magaalada Kismaayo

August, 22, 2017
Wafdiga maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubbada hoose ayaa waxaa hogaaminaayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada ...