Tuesday, September 19th, 2017
Advertisements
Advertisements

Israa’iil oo fasaxday in lagu tukado masaajidka Al-Aqsa

Published on July 16, 2017 by   ·   No Comments

Goobta barakaysan ee Xaram Al-Shariif, ee Yuhuudduna u taqaanTemple Mount, ayaa maanta xayiraaddii saarrayd laga qaaday oo dib loo furay ka dib markii ay rabshadihii ka dhacay Jimcihii.
Qalalaasahaasi wuxu dhacay ka dib markii laba askari oo booliska Israa’iil ah ay toogteen dabley Carabta dhalashada Israa’iil haysata ah oo markii dambena booliska oo eryanayaa ku dileen Xaram Al-Shariif dhexdiisa.
Rabshadda ayaa ahayd tii ugu darnayd ee sanadihii dambe ka dhacda magaalada Qudus, waxaana ay sare u qaadday xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.
Israa’iil ayaa gaadhtay go’aan aan laga filayn, markii ay Muslimiinta Qudus u diiday in salaadii Jimcaha ay ku tukadaan Masjidul Aqsa, tallaabadaas oo ka cadhaysiisay Muslimiinta iyo dalka Urdun oo ah khaadimka masaajidkaa barakaysan.
Al-Aqsa ayaa xidhnaa Sabtidii oo dhan, waxaana sidoo kale ay Israa’iil bandoo gelisay qeybta qadiimiga ah ee magaalada Qudus.
Dawladda Israa’iil ayaa sheegtay in xidhitaanku muhiim u ahaa hawlgalka ammaan ee ay ciidamadeedu ka wadeen deegaankaas.
Haweeney u hadashay booliska Israa’iil oo lagu magacaabo Luba Samri, ayaa sheegtay in albaabka masjidka hadda lagu xiray qalabka dadka lagu baadho iyo kamarado.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa khadka telefoonka kula hadlay boqor Cabdallaha Urdun, waxaanu boqorku cambaareeyay weerarka lala beegsaday booliska Israa’iil, isagoo dhanka kale ugu baaqay Netanyahu inuu xannibaada ka qaado masaajidka, xiisaddana dejiyo.
Waxay u badan tahay in xiisad dheeraad ah ay ka dhalato qalabka baadhitaanka loo adeegsanayo ee ay Israa’iil ku rakibtay albaabada masjidka.
Qorshe sanadkii 2015 ay Israa’iil iyo Urdun doonayeen in ay kamarado ku xidhaan masaajidka ayaa socon waayay, ka dib markii ay ku heshiin waayeen sida loo maamulayo.
Barxadda masaajidka oo ay Muslimiintu u yaqaanaan Xaram al-Sharif, Yuhuuduna ku magacaabaan Temple Mount, ayaa qeyb ka ah colaadda u dhexeysa Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, maadaama dadka Falastiiniyiintu ka cabsi qabaan in Israa’iil awood dheeraad ah ku yeelan doonto goobtaa barakaysan.
Masaajidku wuxu ku yaallaa bariga Qudus, oo ah deegaan ay Israa’iil xoog ku qabsatay sanadkii 1967-kii.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Ra’islawasaaraha Itoobiya oo Oromada iyo Somalida wadahadal uga furay Adis ababa.

September, 19, 2017
Ra’islawasaaraha Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn  ayaa kulan wadahadal ah u qabtay madaxda Maamullada Soomaalida iyo Oromada Dalka Itoobiya. Kulanka ...

Maxkamad Ku Taalo Gaalkacayo Oo La Geeyey nin lagu eedeeyay inuu nabi Muxamad (NNKH} u Gefay

September, 19, 2017
Maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn loo hadal haayay nin la sheegay in uu meel dhigay sawir ...

DAAWO: Madaxweyne Cali Cabdulahi Cosoble Oo War Kasoo Saaray Doorashadii Hirshabeelle

September, 19, 2017
Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo Magaalada Nairobi wareysi ku siiyay Tv-Universal ayaa ka hadlay ...

{DAAWO SAWIRRADA} Diyaarad qaad siday oo maalintii Labaad ka Degtay Buuhoodle

September, 19, 2017
Magaalada Buuhoodle ayaa Maalintii Labaad, waxaa ka degtay diyaarad qaad ka keentay dalka Kenya ka dib markii uu ...

Mareykanka oo ka Hadlay dagaalka Soomaalida iyo Oromada

September, 19, 2017
Dowladda Mareykanka ayaa u sheegtay Itoobiya in ay baarto 55 qof oo la sheegay in ay ku dhinteen ...

{DHAGEEYSO+AKHRISO} Culimadda Soomaaliyeed oo Bayaan ka soo saaray ninka u gafay Nabiga (NNKH)

September, 19, 2017
Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ayaa war kasoo saartay nin la sheegay in uu ku sugan yahay Magaalada Gaalkacyo oo ...

{DAAWO SAWIRADA} Shabaab oo soo bandhigay rag Ajaanib ah

September, 19, 2017
Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay Muuqaal Video ah oo ay ka duubeen Saddex nin oo u dhashay dalka ...