Sunday, July 23rd, 2017
Advertisements
Advertisements

Madaxweynaha Jubbaland Oo Ka Hadlay Baarlamaanka hadda jira Waxa Uu Kaga Duwanyahay Kii Horre

Published on July 15, 2017 by   ·   No Comments

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad magaalada Kismaayo loogu qabtay wafdiga gollaha xukuumada federaalka uu horkacayay ra’iisal wasaare  Xassan Cali Kheyre, ayaa fariin u diray xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in xildhibaannada baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya yihiin kuwo wax badan ka duwan sida uu hadalka u dhigay xildhibaannadii ka horeeyay, isaga oo sheegay in mid walba oo ka mid ah kursiga ku taggay codka 51 qof oo ka tirsan Reerkiisa.

‘’ Marka hore waxaa wanaagsan in aan ogaanno baarlamaanka 10aad ee waqtigan shaqeynaya waa mid ka duwan kuwii hore, oday ma soo qorrin, maamul gobolleed ma keensan, mid walba oo ka mid ah waxaa uu meesha ku yimid codka 51 oo qof ka tirsan Reerka uu kursiga ku matalayo, sidaa daraadeed waxaa ay ka dhigan tahay in lala xisaabtamayo oo haddii ay wax qaldamaan xildhibaan walba dib loogu yeeri karo deegaankii laga soo doortay’’ ayuu yiri Axmed Madoobe.

Xukuumada uu hogaaminayo ra’iisal wasaare Kheyre ayuu ugu Laab-qaboojiyay in aysan jirin baqdin weyn oo laga qabi karo xildhibaannada baarlamaanka oo sida uu sheegay u badan rag dhalinyaro ah oo u damqanaya Qarannimada.

‘’Waxaa iska jira dhaqan soo jireen ah oo lagu bartay baarlamaannadii hore, laakiin waxaan is leeyahay baarlamaanka Soomaaliya ee xiligan shaqeynaya waa mid ay ka buuxaan dhalinyaro Aqoonyahanno u badan oo raba in horay loo socdo, marka ma jirto baqdin badan oo hadda iyaga laga qabi karo’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhinaca kale, madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in xildhibaannada baarlamaanka aysan mudneyn dacaayad iyo in loo adeegsado warar aan ka habooneyn, maadaama ayuu yiri ay iyagu yihiin kuwo asalka u ah dowladnimada.

‘’Anniga ma qabo in xildhibaannada la dacaayadeeyo ama loo adeegsado hadalo aan munaasab ku aheyn, waayo iyaga ayaaba dowladda hadda jirta dhalay oo madaxweynaha soo doortay, xukuumaddana Ansixiyay, iyaga ayaa nooga damqasho iyo laxjcelo badan inteena kale, sidaa daraadeed waan uga cudur-daarayaa in hawada loo mariyo hadal aan munaasabad ku aheyn’’ ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Hadalka madaxweynaha Jubbaland ayaa imanaya xili waayadii ugu danbeeyay uu jiray guux hoosaad tilmaamaya ay jiraan xildhibaanno diyaarinaya mooshin ka dhan ah xukuumada, inkastoo dhinaca kale inta badan xildhibaannadu beeniyeen in arintaasi jirto.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Shaqaale ku dhintay Kunteenar ku dala dhacay Dakada Muqdisho

July, 23, 2017
Ugu Yaraan hal qof ayaa ku dhintay ka dib markii Konteenar saarnaa Markabka ay dejinaayay Shaqaalaha dekedda Magaalada ...

Xildhibaan Mahad Salaad“Dalkaan laguma maamuli karo Wareegto iyo War saxaafadeed”

July, 23, 2017
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si adag uga fal celiyay go’aanada ay soo saaraan hey’adaha amniga dalka, isagoo ...

Wasiir Xoosh oo Ka hadlay Go aankii Ay Ka qaateen Baarlamaanka 8-dii Xildhibaan Oo Doorashadooda Muran Kajirtay

July, 23, 2017
Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in baarlamaanka aysan awood u laheyn inay jabiyaan go’aankii ay ...

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Cosoble Oo So gabagabeyay Tartan Kubada Cagta Oo Baladweyne Ka socday

July, 23, 2017
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa manta ka qeeyb galay Ciyaartii ugu danbeeysay ee lagu soo ...

Nabad Sugidda Soomaaliya oo saraakiil Al-shabab ka tirsan ku qabatay Magaalada Gaalkacyo

July, 23, 2017
Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa howlgal ay ka fuliyeen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ay ku ...

Al-shabaab oo Odayaasha Gobolka Sh/hoose kaarar aqoonsi ah u sameeyay

July, 23, 2017
Xarakada Al-shabaab ayaa Odayaasha Gobolka Shabeellaha hoose u qabatay Dowro ama Siminaar lagu barayay kutubta qaar,waxaana Odayaasha oo ...

Dowlada Turkiga oo Israel eedeeyn kulul u jeedisay

July, 23, 2017
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku eedeeyey maamulka Israel inuu awood xad dhaafa u adeegsaday isku dhaca ...