Saturday, November 18th, 2017
Advertisements
Advertisements

Markabkii jaray Internetka Somaliya oo ku xirtay Dekad ku taalla Hindiya

Published on July 17, 2017 by   ·   No Comments

Markabkii 24kii June jaray Internetka bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya ayaa ku xirtay Dekad ku taalla Dalka Hindiya kaddib markii uu ka shareecday Dekadda Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay horay u sheegtay in Markabka SHarikadda iska leh ee lagu magacaabo MSC Alice,taas oo iyana horay u sheegtay in ay dhacdadaas baareyso.

Markabka ayaa hadda ku xiran Dekadda lagu magacaabo Alang ee Xeebta Galbeed ee Dalka Hindiya,halkaas oo ay sidoo kale qudhiisu ku socoto farsameyn.

Markabkan oo la sameeyay Sanadkii 1998ddii,ayaa Habeenkii Axadda 24kii June jiiray Fiilada Internetka siisa bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya,taas oo sababtay in 23 maalmood Internet la’aan noqoto koofurta Dalka.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Lacagaha khasaaraha ah ay ku dallacan tahay Sharikadda Markabkaas iska leh oo ay iyada bixineyso haddii ay diiddana la tiigsan doonaan sharciga Caalamiga ah.

Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in maalin waliba Soomaaliya khasaareysay $10 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah Internetka maqan dartii.

Sharikadda iska leh Markabka Jiiray Fiilada Internetka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baaritaan dhab ah ku sameyneyso eedaha Dowladda Soomaaliya u heysato ee ku saabsan in Markabkeeda uu jaray Internetka Soomaaliya.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

WAR DEG DEG AH-:Xildhibaanada Golaha Shacabka oo isku raacay in Sharci Darro tahay dhiibistii Qalbi dhagax.

November, 18, 2017
Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo xiligaan ka socda Xarunta Golaha Shacabka ayaa warbixin ka dhageestay guddigii loo ...

{Akhriso} Qodobada Ay Isku Afgarteen Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Hogaanka Xisbiga WADDANI.

November, 18, 2017
Kulankii ay manta  yeesheen komishanka Doorashooyinka qaranka iyo hogaanka xisbiga WADDANI ayaa ku soo dhamaaday is afgarad buuxa. ...