Sunday, July 23rd, 2017
Advertisements
Advertisements

Matic Oo Kalidii Tababarka Qaadanaya Iyo Antonio Conte Oo Ka Hor Joogsanaya In Old Traffrod Kula Midoobo Mourinho.

Published on July 13, 2017 by   ·   No Comments

Xidiga xulka qaranka Serbia iyo kooxda Chelse ee  Nemanja Matic ayaa isku diyaarinaya in uu iskaga baxo Stamford Bridge wuxuuna tababarka u qaadanayaa si kali ah kadib markii uu xumaaday xidhiidhka u dhexeeya xidigan khadka dhexe iyo Antonio Conte. Matic ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay lala xidhiidhinayay in uu Manchester United ku biirayo balse taas waxaa si adag u diidan Conte.

Tan iyo markii ay Manchester United sida lama filaanka ah Chelsea uga dulqaaday saxiixii Romelu Lukaku ayuu xidhiidhka labada kooxood noqday mid sii xumaaday wuxuuna Conte diidan yahay in Nemanja Matic uu qayb ka noqdo ninka uu xifiltanka ugu wayni xili ciyaareedka cusub dhex mari doono ee Jose Mourinho.

Sida ay warbaahinta England ay xaqiijiyeen Nemanja Matic ayaa si kali ah tababarka ugu qaadanayay xarunta tababarka Chelsea ee  Cobham isaga oo go’aansaday in uu kooxdiisa Blues markii labaad ka baxo. Chelsea ayaa la filayaa in jimcaha ay dhamaystiri karto saxiixa Bakayoko kaas oo London soo gaadhi doono kadib markii uu heshiis dhex maray kooxaha Monaco iyo Blues waana sabab wayn oo Matic ku qasbaysa in uu kooxda ka baxo.

Inkasta oo ay jiraan kooxo horyaalak Talyaaniga oo xiisanaya adeega Matic, haddana xidiga ree Serbia ayaa doonaya in uu Jose Mourinho kula shaqeeyo Old Traffrod waana xaalad adag oo ayna maamulka iyo macalinka Blues midkoodna doonayn.

Antonio Conte oo lumiyay adeegii Diego Costa ayaa markale u muuqda in uu xili ciyaareedka cusub waayi doono Matic oo door cajiib ah ka soo ciyaaray in xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay uu ku guulaysato koobka Premier Leaque-ga iyada oo waliba shaki la galinayo awooda uu Bakayoko oo 22 sano jir ahi u yeelan karo in uu booska Matic buuxin karo.

Haddii ay noqoto in Matic uu ka baxayo Chelsea waxa uu Antonio Conte kooxdiisii hore ee Juventus oo waqti dheer xiisanaysay uu u soo bandhigi doonaa in ay la wareegto halkii uu Manchester United ka iibin lahaa xidig shaxdiisa muhiim ka soo ahaa, waxayna wararku sheegayaan in Chelsea ay aqbali karto qiimo ka hooseeya inta ay Man United ku doonayso Matic.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Shaqaale ku dhintay Kunteenar ku dala dhacay Dakada Muqdisho

July, 23, 2017
Ugu Yaraan hal qof ayaa ku dhintay ka dib markii Konteenar saarnaa Markabka ay dejinaayay Shaqaalaha dekedda Magaalada ...

Xildhibaan Mahad Salaad“Dalkaan laguma maamuli karo Wareegto iyo War saxaafadeed”

July, 23, 2017
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si adag uga fal celiyay go’aanada ay soo saaraan hey’adaha amniga dalka, isagoo ...

Wasiir Xoosh oo Ka hadlay Go aankii Ay Ka qaateen Baarlamaanka 8-dii Xildhibaan Oo Doorashadooda Muran Kajirtay

July, 23, 2017
Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in baarlamaanka aysan awood u laheyn inay jabiyaan go’aankii ay ...

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Cosoble Oo So gabagabeyay Tartan Kubada Cagta Oo Baladweyne Ka socday

July, 23, 2017
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa manta ka qeeyb galay Ciyaartii ugu danbeeysay ee lagu soo ...

Nabad Sugidda Soomaaliya oo saraakiil Al-shabab ka tirsan ku qabatay Magaalada Gaalkacyo

July, 23, 2017
Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa howlgal ay ka fuliyeen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ay ku ...

Al-shabaab oo Odayaasha Gobolka Sh/hoose kaarar aqoonsi ah u sameeyay

July, 23, 2017
Xarakada Al-shabaab ayaa Odayaasha Gobolka Shabeellaha hoose u qabatay Dowro ama Siminaar lagu barayay kutubta qaar,waxaana Odayaasha oo ...

Dowlada Turkiga oo Israel eedeeyn kulul u jeedisay

July, 23, 2017
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku eedeeyey maamulka Israel inuu awood xad dhaafa u adeegsaday isku dhaca ...