Sunday, July 23rd, 2017
Advertisements
Advertisements

Maxaa Ku Soo Kordhay Xaalada Mustaqbalka Aubameyang Xilli Chelsea Ay Ku Soo Biirtay Tartanka Saxiixiisa?

Published on July 17, 2017 by   ·   No Comments

Chelsea ayaa dooneysa inay la saxiixato weeraryahanka Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang ka dib markii ay seegeen saxiixa Romelu Lukaku sida ay ogaatay Sky Sports.

Kooxda Blues ayaa dooneysa inay la soo wareegto gooldhaliye heer caalami ah xagaagan, iyadoo Diego Costa uu ku dhow yahay inuu ka tago Stamford Bridge.

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa jecel Aubameyang, waxaana uu 28 jirkaan ku jiraa liiska ciyaartoyda uu doonayo isaga iyo xiddiga Real Madrid Alvaro Morata iyo xiddiga Torrino Andrea Belotti.

Dortmund ayaa ku fasixi doonta Aubameyang xagaagan lacag gaareysa 70 milyan ginni, waxaana uu u sheegay kooxda inuu doonayo inuu baxo, iyadoo AC Milan iyo Paris Saint-Germain ayaa durbaba wadahadal la galeen, iyadoo uu burburay wadahadaladii kooxda Shiinaha ee Tianjin Quanjian isbuucii la soo dhaafay.

Madaxa Dortmund Hans-Joachim Watzke ayaa sheegay inuusan helin wax dalabyo ah weli, waxaana uu digniin ku bixiyay in kooxaha xiiseynaya inuu waqtiga ka dhamaanayo.

“Waxaan sugi doonaa dalabyadooda dhowr maalmood kale laakiin ma sii sugi doono” ayuu yiri. “Shaqsiyan waxaan jeclaan lahaa haddii uu sii joogo, laakiin waxaa jira kooxo yar oo uu lacag badan ka heli karo.”

Dortmund ayaa dooneysa in mustaqbalka Aubameyang la xaliyo ka hor 24ka bishaan Luuliyo markaasoo ay u ambabaxayaan xeradooda tababarka ee Switzerland.

Aubameyang ayaa ahaa gooldhaliyihii ugu sareeyay ee Bundesliga xilli ciyaareedkii la soo dhaafay 31 gool ayuu dhaliyay 32 kulan uu saftay. Waxa uu dhaliyay 40 gool tartamada oo dhan.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Xildhibaan Mahad Salaad“Dalkaan laguma maamuli karo Wareegto iyo War saxaafadeed”

July, 23, 2017
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si adag uga fal celiyay go’aanada ay soo saaraan hey’adaha amniga dalka, isagoo ...

Wasiir Xoosh oo Ka hadlay Go aankii Ay Ka qaateen Baarlamaanka 8-dii Xildhibaan Oo Doorashadooda Muran Kajirtay

July, 23, 2017
Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in baarlamaanka aysan awood u laheyn inay jabiyaan go’aankii ay ...

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Cosoble Oo So gabagabeyay Tartan Kubada Cagta Oo Baladweyne Ka socday

July, 23, 2017
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa manta ka qeeyb galay Ciyaartii ugu danbeeysay ee lagu soo ...

Nabad Sugidda Soomaaliya oo saraakiil Al-shabab ka tirsan ku qabatay Magaalada Gaalkacyo

July, 23, 2017
Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa howlgal ay ka fuliyeen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ay ku ...

Al-shabaab oo Odayaasha Gobolka Sh/hoose kaarar aqoonsi ah u sameeyay

July, 23, 2017
Xarakada Al-shabaab ayaa Odayaasha Gobolka Shabeellaha hoose u qabatay Dowro ama Siminaar lagu barayay kutubta qaar,waxaana Odayaasha oo ...

Dowlada Turkiga oo Israel eedeeyn kulul u jeedisay

July, 23, 2017
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku eedeeyey maamulka Israel inuu awood xad dhaafa u adeegsaday isku dhaca ...

Danjiraha Ingiriiska oo booqday xarunta dhaqanka ee Hargeysa

July, 23, 2017
Danjiraha Ingiriiska David Concar oo shalay ka hadlay xarunta dhaqanka ee Hargeisa International book fair, xaflad loogu dabaal ...