Saturday, January 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

Mid kamid ah Wadamadii Xayiraada kusoo rogay Qadar oo ogolaaday in uu ka laabto Shuruudii aheed in…

Published on July 15, 2017 by   ·   No Comments

Dowlada Imaaraatka Carabta oo kamid aheed dowladihii Khaliijka ee xayiraada dhaqaale kusoo rogay dalka Qadar ayaa ogolaatay in wada hadal ka gasho mid kamid ah 13-kii Shuruud ee lagu xiray dalka Qadar.

Dowladaha Sacuudiga, Imaaraatka Carabta, Masar iyo Baxreyn ayaa dalka Qadar hor dhigtay 13- Shuruud oo laga dalbaday in ay fuliso Qadar si xayiraada looga qaado wadahadalna loola furo, waxaana Shuruudahaasi kamid ahaa in ay xirto Telefishinka Caalamiga ee Al-Jazeera.

Wasiirada Federaalka ee dowlada Imaaraatiga Ms.Noura al-Kaabi oo Wareysi bixisay ayaa sheegtay in dowladeeda diyaar u tahay in wadahadal iyo gor gortan la gasho dowlada Qadar, waxa ayna Wasiiradu soo hadal qaaday qaar kamid ah Shuruudihii adka aee lagu xiray Qadar.

Waxa ay sheegtay Wasiirada oo ka hadleysay arinta Telefishinka Al Jazeera in aysan khasab aheyn in gabi ahaan la xiro Telefishinka, waxa ayna tilmaantay in arinta Telefishinka meesha laga saari karo hadii wax laga bedelo qaabka uu hada u shaqeeyo.

‘’Khasab maaha in telefishinka Aljazeera la xiro gebi ahaan, balse waxaa codsaneynaa in wax laga bedalo qaab uu u shaqeeyo. Si ay u sii shaqeystaan shaqaalaha telefishinkaasi, isla markaana dowlada Qatar ay sii wado maalgelinta telefishinkaasi waa hadii ay wax ka bedasho qaabka ay u dhaqanta warbaahinta Aljazeera…”ayey tiri Ms.Noura al-Kaabi.

Xulufadaha uu Hogaaminayo dalka Sacuudiga ee xayiraada kusoo rogay dalka Qadar ayaa horey u sheegay in aysan marnaba diyaar u aheyn in gor gortan iyo wadahadal ka galaan 13-kii Shardi ay hor dhigeen dowlada Qadar, lamana oga warkan kasoo baxay Imaaraatka Saameynta uu ku yeelan karo dowladaha kale ee xayiraada kusoo rogay Qadar.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Qaabka uu u dhacay Shilka Diyaaradeed Ee Ka Dhacay Garoonka Aadan-Cadde Ee M/Muqdisho

January, 20, 2018
Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goordhow ee Sabtida Maanta ah waxaa ka dhacay Shil Diyaaradeed ...

Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka Aadan Cadde

January, 20, 2018
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, goor dhaw waxaa Garoonka ...