Sunday, November 19th, 2017
Advertisements
Advertisements

Mourinho Oo Kashifay Sababta Rasmi Ah Ee Uu Burburay Heshiiskii Ay Kula Wareegi Lahaayeen Alvaro Morata Xagaagan

Published on July 15, 2017 by   ·   No Comments

Manchester United ayaa awoodi weysay inay heshiis dhanka lacagta ah la gaarto Real Madrid oo ku aadan saxiixa ciyaaryahanka sida uu xaqiijiyay tababaraha Red Devils Jose Mourinho.

Tababaraha Red Devils ayaa qirtay markii ugu horeysay isagoo ku sugan magaalada Los Angeles ee dalka Mareyknka inuu isku dayay inuu la wareego weeraryahanka Real Madrid.

United ayaa 60 milyan ginni ku dalbatay weeraryahanka reer Spain laakiin Real ayaa dalbatay 80 milyan ginni, waxaana uu heshiiska noqday mid burburay inkastoo Morata uu doonayay heshiiska oo uu xitaa shaqsi ahaan isku dayay inuu xaliyo kala duwanaanshaha lacagta ee labada kooxood.

Mourinho ayaa yiri: “Haa, waan xiiseyneynay, wax iska cad ayay aheyd, waana wax dadku ogyahay.

“Waxaan ku heshiin weynay dhanka dhaqaalaha, taas iyaduna waa ay cadahay.

“Laakiin Real Madrid xaq ayay u leeyahay inay dalbato lacagta ay ciyaaryahankeeda ku rabto.

“Anaga ma ahan kuwa dejiya qiimaha ciyaaryahan ay leedahay Real Madrid, Real Madrid ayaa idaasi sameysay, waxaana awoodi weynay inaan heshiis la gaarno Real Madrid.

“Ma dhaleeceynayo Madrid, mana doonayo inaan dhaleeceeyo madaxda kooxdeyda sababtoo ah madaxdu waxa ay soo bandhigeen dalabkooda, waxaana ay isku dayeen waqti gudihiis in heshiis la gaaro, heshiisna waa la gaari waayay. Waa wax sidaas u fudud.”

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Dowlada Mareykanka oo Diyaarado Lagula dagaalamo Shabaab ku wareejiyay Uganda…

November, 19, 2017
Waaxda Gaashaandhigga ee dalka Maraykanka “THE PENTAGON” ayaa ku dhawaaqday inay Ciiddanka Uganda ka jooga Somalia ku taageeri ...

{Akhriso} Maamulka Puntland Iyo Dowladda Shiinaha Oo Heshiis Cusub Kala Saxiixday

November, 19, 2017
Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjiraha dalka China ee Soomaliya Mr. Qin Jian ...