Sunday, November 19th, 2017
Advertisements
Advertisements

Mudaaharaadyo Manta Xiray Suuqyada Burtinle Kadib Markii Lacago Faalsa ah La sogaliyay Magaladaas

Published on July 15, 2017 by   ·   No Comments

Dibad baxan oo ahaa mid xoogan , isla markaana looga soo horjeeday sicirka sarifka degmada Burtinle ayaa dhaawacay dhowr qof oo shacab ah ,kuwaasi  oo carro xoogan kala hortagay qaar kamid ah ganacsatada degmada.
100 Dollar ayaa maanta degmada Burtinle oo ka tirsan gobolka Nugaal ee Puntland lagu kala sarifanayay qiima gaaraya afar milyan oo shilinka Somaliga ah ,taasi oo sababtay in maciishad-dii magaalada ay cirka isku shareerto , isla markaana dibad-baxyadu ay isu badalaan kuwa rabashada wata.

Dadkan dibad-baxayasha ah ayaa gubay dhowr mehrad oo ku yaala bartamaha degmada ,waxaana sida la sheegay la boobay goobo ganacsi oo ay kamid yihiin xarumo lagu sarifi jiray lacagaha qalaad sida ay sheegeen dad goob-joogayaal ah.

“Markii hore waxa ay inoo sheegeen in dibad baxan uu yahay mid nabadeed , balse markii danbe waxa uu isku rogay rabshado iyo in taayaro lagu gubo bartamaha laamiga ” ayuu yiri taliye ku xigeenka degmada Burtinle oo la hadlay warbaahinta.

“Ciidanka degmada jooga waa 40 askari kuma filnayn in ay xakameeyaan mudaharaadka ,hadda waxaa jira dhowr askari oo ku dhaawacmay shaqaaqadii ka dhacday magaalada ” ayuu yiri taliyaha oo sheegay in galnkii danbe ee maanta xaalad-du ay caadi ku soo noqotay.

Waxaa mas’uukan uu sheegay in ciidamada amnigu ay ku khasbaanadeen in ay isaga baxaan goobtii ay rabshaduhu ka socdeen , isaga oo sheegay in cilad ay ku timid halkii gaari ay ee ay u adeegsanayeen dajinta xaalad-da kacsan.

Ugu danbayn, dadka dhaawacay oo aan tiradooda si rasmi ah loo hayn ayaa la sheegay in la dhigay goobaha caafimaadka ee Burtinle ,waxaana arintan ay ku soo beegmaysaa ,iyadoo lacago cusub dhawaan la soo galiyay suuq-yada Puntland.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Dowlada Mareykanka oo Diyaarado Lagula dagaalamo Shabaab ku wareejiyay Uganda…

November, 19, 2017
Waaxda Gaashaandhigga ee dalka Maraykanka “THE PENTAGON” ayaa ku dhawaaqday inay Ciiddanka Uganda ka jooga Somalia ku taageeri ...

{Akhriso} Maamulka Puntland Iyo Dowladda Shiinaha Oo Heshiis Cusub Kala Saxiixday

November, 19, 2017
Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjiraha dalka China ee Soomaliya Mr. Qin Jian ...