Wednesday, August 23rd, 2017
Advertisements
Advertisements

Nemanja Matic Oo Maray Tijaabada Caafimaadka Man United Iyo Lambarka Uu Red Devils U Qaadan Doono

Published on July 30, 2017 by   ·   No Comments

Kooxaha Manchester United iyo Chelsea ayaa ka heshiiyay iibka xidiga xulka qaranka Serbia ee Nemanja Matic kaas oo haddbaa ku sugan magaalada Manchester. Kadib wada xaajoodyo dhex maray maamulada kooxaha Chelsea iyo Man United ayaa lagu go’aamiyay qiimaha uu Nemanja Matic uu biirayo Man United oo ah 40 milyan oo gini waxayna lacagtani gaadhi doontaa 50 milyan oo gini.

Nemanja Matic ayaa maray tijaabada caafimaadka Manchester United waxaana la sugayaa waqtiga ay Red Devils si rasmi ah ugu dhawaaqi doonto heshiiskiisa. Waxaa loo arkaa guul wayn oo u soo hoyatay Manchester United iyo Jose Mourinho in Chelsea ay ogolaatay in Nemanja Matic uu Old Traffrod ku badasho Stamfrod Bridge.

Nemanja Matic ayaa saddexdii sano ee ugu danbeeyay laba ka mid ah Chelsea ka soo caawiyay in ay laba koob oo Premier Leaque-ga ah ku soo guulaysatay waxaana loo arkaa xidigii Paul Pogba ka soo saari lahaa tayadiisa dhabta ah isaga oo xidiga ree France markan fursad u heli doona in uu ka ciyaaro booskii uu Juventus wacdaraha kaga soo dhigay ee dhexda hore.

Manchester United ayaa Nemanja Matic ka dhiganaysa saxiixa saddexaad ee xagaagan waxaana ka horeeyay Victor Lindelof iyo Romelu Lukaku laakiin Jose Mourinho ayaa wali doonaya in xidiga xiga ee loo keenayaa uu noqdo Ivan Perisic oo ka tirsan Inter Milan kaas oo isna qalbiga gashaday in uu Old Traffrod ku soo biiro. Matic ayaa tababarka Man United ugu biiray Carrington training ground.

Nemanja Matic iyo Antonio Conte ayaa isku dhacay taas oo keentay in xidiga ree Serbia laga saaray kooxdii Chelsea ee kulamada saaxiibtinimo ku soo ciyaartay China iyo Singapore wuxuuna Conte doortay in booskii Nemanja Matic uu ku buuxiyo Bakayoko oo uu Blues ku soo biiray isaga oo dhaawac qaba.

Matic ayaa Manchester United u qaadan doona lambarka 31 aad oo uu baneeyay Bastian Schweinsteiger iyada oo Matic uu jeclaan lahaa inuu qaato lambarka 21 aad oo uu muddo todoba sano ah heerka kooxeed kaga soo xidhnaa isla markaana uu qarankiisa u qaato laakiin Ander Herrera  ayaa Manchester United u qaata lambarkan.

Wixii war ah ee ka soo kordha xaalada heshiiska ay Manchester United kula soo wareegayso Nemanja Matic waxaad insha Allah kula socon kartaan wararkeena danbe.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Angola oo maanta loo dareerayo doorasho guud

August, 23, 2017
Dalka Angola maanta waxaa loo dareerayaa codbixinta doorashada guud ee dalkaasi. Codbixiyeyaasha ayaa dooranaya shakhsigii badali lahaa madaxweyne Jose ...

Britain oo Beesha Caalamka ka codsatay in lagu garab siiyo caawinta dadka abaaraha ay saameeyeen ee ku nool Soomaaliya

August, 23, 2017
Dowladda Britain ayaa Beesha caalamka ugu baaqday in lagu garab siiyo dadaallada ay ku bixineyso caawinta dadka abaaraha ...

Maxkamadda sare ee Madrid oo lasoo taagay Afar nin oo lagu eedeeyey weerarkii ka dhacay Barcelona

August, 23, 2017
Maxkamadda sare ee Magaalladda Madrid ee dalka Spain waxaa lasoo taagay afar nin oo lagu eedeeyey inay ka ...

Xiisad u dhaxeysa Galmudug iyo Ahlusuna oo saaka ka taagan deegaanka Mareergur

August, 23, 2017
Xiisad u dhaxeysa Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna ayaa saaka ka taagan deegaanka Mareergur ee gobolka Galgaduud, kaddib markii ...

Deg deg:- Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo Goordhaweed Jowhar ku Geeriyooday.

August, 22, 2017
Xildhibaan Aadan Macalin oo kamid ahaa Xildhibaanada Hir-Shabeelle ayaa Goordhaweed ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Magaalada Jowhar ee ...

Madaxweynaha Soomaaliya Oo faah faahin Ka bixiyay Safarkii uu Ku Tagay Dalka Masar

August, 22, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo galabta dalka dib ugu soo laabtay ayaa faray Xukuumadda inay dabagal ku ...

{DAAWO SAWIRADA} Micheal Keating Oo Maanta Gaaray Magaalada Kismaayo

August, 22, 2017
Wafdiga maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubbada hoose ayaa waxaa hogaaminaayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada ...