Thursday, April 19th, 2018
Advertisements
Advertisements

Qarax ka dhacay goob shidaal oo ay dad ku dhinteen Dalka Nigeria

Published on July 17, 2017 by   ·   No Comments

Booliiska dalka Nigeria ayaa sheegaya in ugu yaraan sagaal qof ay ku dhinteen qarax ka dhashay goob shidaalka laga qaato oo ku taalla koofurta bari ee dalkaasi.

In ka badan toban qof oo kale ayay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

Sababta qaraxa ayaan weli caddeyn. Wararka gudaha laga helayo ayaase sheegaya in laga yaabo in qaraxu uu dhacay kaddib markii ay dad isku dayeen inay si sharcidarro ah goobtaasi shidaal uga qaataan.

Qaraxyada shidaalka ka dhasha ayaa ku badan Nigeria, oo ah dalka Afrika ugu weyn ee shidaalka soo saara, sababo la xiriira dhismayaasha dalkaasi oo xun iyo xatooyo badan oo loo geysto dhuumaha iyo taangiyada shidaalka.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Kooxo hubeysan oo Ganacsato Soomaaliyeed ku dilay Koonfur Afrika

April, 19, 2018
Kooxo burcad ah oo aan heybtooda la garaneyn ayaa xalay weerar ku qaaday goob Ganacsi oo ay muwaadiniin ...

{DAAWO SAWIRADA} Tuulo Suudaan ku Taala oo ay u dalxiis Tagaan basaasiinta Israa’iil!

April, 19, 2018
Tuulada Caruus oo ku taalla saxaraha dalka Sudan ee dhacda xeebta Badda Cas ayaa noqonaysa goobta ugu wanaagsan ...