Wednesday, August 23rd, 2017
Advertisements
Advertisements

Ramos Oo Dhibsaday Neymar Soona Bandhigay Sida Uu U Jeclaan Lahaa Inuu Ka Guuro Camp Nou.

Published on July 30, 2017 by   ·   No Comments

Kooxdaha Real Madrid & Barcelona ayaa xalay ku ciyaaray Miami oo ku taala Mareykanka kulan ka tirsan koobka International Championship Cup markaas oo ay kooxda ka dhisan Camp Nou ku adkaatay 3-2, balse kulankaas waxaa loo dareensanaa inuu ahaa midkii ugu dambeeyay ee Neymar uu xirto maaliyadda Balaugrana.

Barcelona ayaa loo maleynayaa iney lumin doonto Neymar Junior kaas oo mid ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan kaas oo la fahansan yahay inuu jecel yahay ka hoos bixidda hooska Lionel Messi.

Si kastaba Paris Saint Germain ayaa diyaar u ah iney bixiso qiimaha lagu jabin karo heshiiskiisa kaas oo gaaraya 222 Malyan oo Euro iyadoo idaacadda Radio Montecarlo ay soo warisay inuu goor hore shan sano oo heshiis ah u saxiixay kooxda ka dhisan magaalada Paris.

Dhanka kale kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa shaaca ka qaaday inuu aad u rajeynayo kulankii xalay inuu ahaa midkii ugu dambeeyay oo uu maaliyadda Barcelona ku arko xidig yaraha reer Brazil Neymar Junior.

“Xiriir fiican ayaan la leeyahay, ma dooneyn. waxaan ka badashay maaliyiadda, waxaan rajeynayaa iney tahay markiisii ugu dambeysay ee Barcelona taasoo noola macno ah inaan ka gudubnay dhibaato. waxba iima sheegin, mana doonayo inaan ka hadlo waxyaabaha shaqsiga la xiriira, qof walba isagaa xor u ah inuu doorto mustaqbalkiisa. Waa ciyaariyahan weyn, xidig ku wacan Barcelona, wuuna go’aansan doonaa mustaqbalkiisa. waxey noo noqon doontaa culeys naga yaraada madama kala duwanaasho ka abuuro kulamada waaweyn”

Si kastaba kabtan Sergio Ramos wuxuu mar walba jecel yahay daciifnimada Barcelona sidaas darteed wuxuu u rajeeyay iney lumiyaan mid ka mid ah xidigaha la fahansan yahay iney booska xafladaha shaqsiga ah ka badali doonaa Messi & CR7.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Angola oo maanta loo dareerayo doorasho guud

August, 23, 2017
Dalka Angola maanta waxaa loo dareerayaa codbixinta doorashada guud ee dalkaasi. Codbixiyeyaasha ayaa dooranaya shakhsigii badali lahaa madaxweyne Jose ...

Britain oo Beesha Caalamka ka codsatay in lagu garab siiyo caawinta dadka abaaraha ay saameeyeen ee ku nool Soomaaliya

August, 23, 2017
Dowladda Britain ayaa Beesha caalamka ugu baaqday in lagu garab siiyo dadaallada ay ku bixineyso caawinta dadka abaaraha ...

Maxkamadda sare ee Madrid oo lasoo taagay Afar nin oo lagu eedeeyey weerarkii ka dhacay Barcelona

August, 23, 2017
Maxkamadda sare ee Magaalladda Madrid ee dalka Spain waxaa lasoo taagay afar nin oo lagu eedeeyey inay ka ...

Xiisad u dhaxeysa Galmudug iyo Ahlusuna oo saaka ka taagan deegaanka Mareergur

August, 23, 2017
Xiisad u dhaxeysa Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna ayaa saaka ka taagan deegaanka Mareergur ee gobolka Galgaduud, kaddib markii ...

Deg deg:- Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo Goordhaweed Jowhar ku Geeriyooday.

August, 22, 2017
Xildhibaan Aadan Macalin oo kamid ahaa Xildhibaanada Hir-Shabeelle ayaa Goordhaweed ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Magaalada Jowhar ee ...

Madaxweynaha Soomaaliya Oo faah faahin Ka bixiyay Safarkii uu Ku Tagay Dalka Masar

August, 22, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo galabta dalka dib ugu soo laabtay ayaa faray Xukuumadda inay dabagal ku ...

{DAAWO SAWIRADA} Micheal Keating Oo Maanta Gaaray Magaalada Kismaayo

August, 22, 2017
Wafdiga maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubbada hoose ayaa waxaa hogaaminaayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada ...