Wednesday, December 13th, 2017
Advertisements
Advertisements

Ronaldinho Oo Talo Wanaagsan Siiyay Xidiga Sida Ba’an Loola Xiriirinayo PSG Ee Neymar

Published on July 29, 2017 by   ·   No Comments

Ciyaariyahankii hore Barcelona Ronaldinho Caucho ayaa kula taliyay Neymar Junior inuu raaco qalbigiisa xilli aad loola xiriirinayo kooxda Paris Saint Gemain.

Warbixinadii ugu dambeeyay ee la helayo waxey sheegayaan inuu xidigaan ogolaaday heshiis shan sano ah oo uu sanadkii ku qaadan doono 30 Malyan oo Euro kuna aadayo kooxda uu maamulo Unai Emery waxeyna kula wareegayaan aduun dhan 222 Malyan oo Euro.

Ciyaartoyda Barcelona sida Andreas Iniesta, Luis Suarez iyo Gerard Pique ayaa si guud uga hadlay xaalada xidigaan inkastoo wali 25-jirkaan uusan kala cadeynin mustaqbalkiisa garoonka Camp Nou balse kaliya la fahansan yahay in rabitaankiisa uu yahay ka tagista Camp Nou.

Ronaldinho oo sanadkii 2003 ka tagay PSG kuna biiray Barcelona haatanna ka mid ah safiirada kooxda Barcelona ayaa wiilka ay dhalashada wadaagaan u sheegay inuu raaco waxa qalbigiisa uu u sheegayo.

“Waxaan kaliya u sheegi karaa inuu raaco qalbigiisa isla markaana noqdo mid faraxsan si uu u sameeyo waxa qalbigiisa uu u sheegayo” ayuu yiri Ronaldinho.

Dhanka kale madaxweynaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu wuxuu ka dhawaajiyay in Neymar uu u fasaxan yahay inuu aado kooxda uu doonayo hadii uusan ku faraxsaneyn Camp Nou balse koox walba ay bixineyso lacagaha lagu jabin karo heshiiskiisa.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

DAAWO MUUQAALKA: Ciyaartii Barbaraha Ee Hirshabelle Vs Puntland Iyo Sidey Ugu Soo Gudbi Karaan Semi-final ka

December, 12, 2017
Kooxda xafidaneysa koobka Maamul Goboleedyada Soomaaliya ee Putland ayaa galabta ciyaar faraha looga gubtay bar baro ka tuugtay ...

{DAAWO SAWIRADA} Farxaan Booq oo guuldarro ka bad baadiyay Ciyaartooyda Puntland

December, 12, 2017
Xulka difaacanaya koobka ee Puntland ayaa waqti dambe bar baro ka helay Hirshabeele ciyaar xiiso badan oo ka ...