Somaliland oo hal arin ugu baaqdey Madaxweyne Farmaajo ka hor imaanshiyihiisa Puntland

0
4

Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashey faragelin ay sheegtey in dowladda Federaalka ah ee Somaaliya ay ka wado qeybo kamid ah bariga Somaliland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland oo la Hadley saxaafada ayaa sheegey in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay wado qorshe ay odayaal reer Sool ah u abaabuleyso si ay ugu qanciso ka hor imaanshiyaha wadda hadaladda Somaliland iyo Khaatumo.

Isagoo wasiirka hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu fariin digniin ah oo ku aadan joojinta howlahaasi u direy Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Farmaajo kaa oo la filayo in uu todobaadyadda inagu soo aadan uu soo gaaro deegaanadda Puntland.

“ Waxaan u sheegayaa Farmaajo in Somaliland ay tahay dal madax banana, oo caalamkoo dhan uu taa qirsanyahay inkastoon weli ictiraaf rasmi ah aan nala siin, marka waxaan kuu sheegayaa faragelinta qaawan ee aad nagu heyso naga jooji” ayuu yiri Wasiirka.

Dhawaanahanba maamuladda Khaatumo iyo Somaliland ayaa waxaa u socdey shirar mudo soo socdey iyadoo la filayo in ay Burco dhawaan ay ku kala saxiixdaan heshiis rasmi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here