Monday, November 20th, 2017
Advertisements
Advertisements

Soomaaliland oo Wacad Ku Martay Ineey Garab Taagan Tahay Jabuuti Hadii Uu Dagaal Dhax Maro dowladdaha Jabuuti Iyo Eritariya

Published on July 15, 2017 by   ·   No Comments

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliland Sacad Cali Shire ayaa ka warbixiyey safar ay isaga iyo xubno wasiirro ah ku jageen dalka Jabuutii, islamarkaana ay kulan la yeesheen madaxweynaha Jabuuti

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliland Sacad Cali shire ayaa sheegay in Jabuuti iyo Eritariya xurgufta ka dhexeysa ay taageeri doonaan wadanka Jabuuti oo ay la safan doonaan.

Wasirka arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in dalka la deriska ah Soomaaliland ee Jabuuti isku dhaqan iyo dad aynu nahay, isla markaana arrimo badan oo dhan walba inaga dhaxayso, waxaana sidoo kale uu sheegay wasiir Sacad in wixii dhibaato ku timada dalka Jabuuti iyo Soomaliland hiil iyo hooba ee ay awoodaan la barbar taagno.

“Jabuuti wa wadankeeni labaad waa wadan aad iyo aad isu dhownahay oo dad iyo dhaqan iyo duniyo inaga dhaxayso horena way u dhacday. markasta oo khatar ay ku timaado wadanka Jabuuti, waxaan diyaar u nahay wadanka Jabuuti in wixii hiil iyo hooba wixii awoodeena aynu isaga garab taagno.” ayuu yidhi Sacad Cali Shire.

Dhanka kale, mar su’aal la waydiiyey wasiirka oo ku saabsan wada hadaladii uu Somaliland iyo Somalia u dhexeeyey ayuu sheegay in ay dhawaan dib u bilaabmi doonan wada hadalkii labadda dhinac ee sanadkii 2012 u bilaabmay.

Xubno wasiiro ah oo ka tirsan Soomaaliland ayaa toddobaadkii u dambeeyey u sugnaa wadanka Jabuuti, waxaanay kulan la yeesheen madaxweynaha Jabuuti.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Imaaraadka Carabta

November, 19, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi halkaas oo ay uga ...

{DAAWO SAWIRADA} Wasaaradda Dastuurka oo kulan la yeelatay Odayaasha Dhaqanka

November, 19, 2017
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista Dastuurka ayaa maanta kulan wadatashi ...