Monday, December 11th, 2017
Advertisements
Advertisements

Southampton Virgil van Dijk Oo Kusii Dhawaanaya Inuu Ku Biiro Liverpool Iyo Rabitaankiisa Ah Inuu Ka Hoos Ciyaaro Klopp

Published on July 26, 2017 by   ·   No Comments

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska – daafaca Southampton Virgil van Dijk ayaa la rajeynayaa inuu kusoo biiro Liverpool xagaagan si uu u xoojiyo ciidanka Jurgen Klopp ee damacsan iney wacdaraha ka dhigaan yurub iyo England.

Macalinka Jarmalka ah ayaa aad u xiiseyneya inuu kooxdiis kusoo daro daafacii hore Celtic kaas oo laga reebay kooxdiisa safarka aaday si uu mustaqbalkiisa u maareeyo, waxaana la fahansan yahay inuu si shaqsi ah u doonayo ku biiritaanka Reds.

Bartamahii June ayaa lagu eedeeyay Liverpool iney si sharci darro ah ula xiriireen Virgil van Dijk inkastoo ay markii dambe raali galin ka bixiyeen, balse haatan waxey wax walba u muuqdaan iney jiraan dhanka kooxda Merseyside-ka ka dhisan.

Sky Sports waxey fahansan tahay in Liverpool ay soo rogaal celisay xiisahii ay u qabtay Virgil  van Dijk – waxaana la filayaa inuu noqdo daafaca ugu qaalisan aduunka sidoo kalana uu noqdo xidiga ebid ugu qaalisan taariikhda Liverpool.

Dhanka kale Charlie Austin ayaa doonaya in daafaca reer Holland uu sii joogo garoonka St Marry madama uu kooxda muhiim u yahay inkastoo uu qiray inuu yahay xirfadle leh aqoon ku filan oo uu ku ogaan karo waxa u fiican iyo halka u haboon.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Banaadir oo 3-0 ku dhufatay Xiddigaha Galmudug cayaar qeyb ka ah Tartanka maamul gobolleedyada

December, 11, 2017
Kulankan oo qeyb ka ah Tartanka maamul gobolleedyada ayaa waxaa ku awood sheegtay xulka Kubadda Cagta gobolka Banaadir ...

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Istanbuul,

December, 11, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Istanbuul ee dalka ...