Monday, November 20th, 2017
Advertisements
Advertisements

Taliye ka tirsan Ciidamada Milateriga oo lagu dilay Qansaxdheere

Published on July 15, 2017 by   ·   No Comments

Taliyihii Ciidamada Milateriga ee degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay ayaa maanta lagu dilay qarax miino oo lala eegtay gaari uu saarnaa.

Taliyaha ayaa lagu magacaabayay Col. Cumar Macalin Xasan, waxaana dilkiisa uu ka dambeeyay markii miino wadada dhinaceeda la dhigay lala eegtay gaarigii uu saarnaa.

Qaraxa lala eegtay gaariga Taliyaha ayaa waxaa daba socotay weerar ay koox ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen kolonyada uu la socday Taliyaha.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha iyo kolonyada uu la socday jidka loo galay, inta u dhaxeysa degmada Qansaxdheere iyo garoonka diyaaradaha degmadaas.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada dilka Taliyaha iyo labo askari, sida lagu baahiyay baraha Internet-ka ee taageera.

 

Degmada Qansaxdheere ayaa ka mid ah degmooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab, iyagoo jaray waddooyin gala degmadaas, waxaana degmadaas ay sahayda iyo saanada ciidanba ku tagtaa diyaarad.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Imaaraadka Carabta

November, 19, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi halkaas oo ay uga ...

{DAAWO SAWIRADA} Wasaaradda Dastuurka oo kulan la yeelatay Odayaasha Dhaqanka

November, 19, 2017
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista Dastuurka ayaa maanta kulan wadatashi ...