Sunday, July 23rd, 2017
Advertisements
Advertisements

Wakiilka Antonio Rudiger Oo London Soo Gaadhay Si Uu Chelsea Ula Dhamaystiro Heshiiska Difaaca Ree Germany

Published on July 8, 2017 by   ·   No Comments

Wakiilka difaaca xulka qaranka Germany iyo kooxda AS Roma ee Antonio Rudiger ee  Sahr Senesie ayaa maanta soo gaadhay caasimada England ee London si loo dhamaystiro heshiiska ay Chelsea kula soo wareegayso Antonio Rudiger. Kooxaha Chelsea iyo Roma ayaa ka heshiiyay iibka Rudiger waxayna Blues xidigan ka soo bixinaysaa 34 milyan oo gini.

Antonio Conte ayaa si wayn u doonaya in uu difaaca kooxdiisa xoojin wayn u sameeyo kadib markii uu John Terry si xor ah kaga baxay Stamfrod Bridge ee uu Aston Villa ku biiray halka sidoo kale ay  Chelsea 20 milyan oo gini ay Bournemouth kaga iibisay difaaceedii Nathan Ake.

Antonio Rudiger ayaan markii hore ka mid ahayn bartilmaameedka ugu muhiimsanaa ee uu Antonio Conte doonayay wuxuuna bartilmaameedkakowaad ka dhiganayay Leonardo Bonucci oo Juventus ka tirsan iyo difaaca kooxda  Southampton ee Virgil van Dijk balse ugu horayn Conte ayaa heli doona saxiixa Rudiger iyada oo la filayo in Blues ay heshiiskiisa ku dhawaaqi doonto 24-48 ka saacadood ee soo socda.

Chelsea ayaa xagaagii hore waqtigan oo kale doonaysay in ay Antonio Rudiger la soo wareegto laakiin markii uu dhaawac jilibka ahi ku soo gaadhay tartankii qaramada Yurub ee Euro 2016 ayayna Blues sii wadin xiisihii ay u qabtay difaacan.

Antonio Rudiger ayaa dhawaan iska badalay wakiilkiisii  Alexander Bergweiler wuxuuna bishii hore wakiil ka dhigtay walaalkisa Sahr Senesie kaas oo hadda Chelsea kula jira wada xaajoodka uu ku doonayo in 24 jirkan Antonio Rudiger uu qayb kaga noqdo qorshaha Antonio Conte ee xili ciyaareedka cusub.

Antonio Rudiger ayaa noqon doona saxiixii ugu horeeyay ee ay Chelsea xagaagan samayso iyada oo guuldaro dhinaca suuqa ah kala kulantay Romelu Lukaku oo ay aaminsanayd in uu xili ciyaareedka cusub qayb ka noqon doono qorshaha Antonio Conte balse Manchester United ayaa heshiiska xidiga ree Belgium si rasmi ah ugu dhawaaqday.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Dowladda oo War kasoo saartay Maxaabiistii laga soo celiyay Itoobiya

July, 23, 2017
Ugu Yaraan hal qof ayaa ku dhintay ka dib markii Konteenar saarnaa Markabka ay dejinaayay Shaqaalaha dekedda Magaalada ...

Shaqaale ku dhintay Kunteenar ku dala dhacay Dakada Muqdisho

July, 23, 2017
Ugu Yaraan hal qof ayaa ku dhintay ka dib markii Konteenar saarnaa Markabka ay dejinaayay Shaqaalaha dekedda Magaalada ...

Xildhibaan Mahad Salaad“Dalkaan laguma maamuli karo Wareegto iyo War saxaafadeed”

July, 23, 2017
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si adag uga fal celiyay go’aanada ay soo saaraan hey’adaha amniga dalka, isagoo ...

Wasiir Xoosh oo Ka hadlay Go aankii Ay Ka qaateen Baarlamaanka 8-dii Xildhibaan Oo Doorashadooda Muran Kajirtay

July, 23, 2017
Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in baarlamaanka aysan awood u laheyn inay jabiyaan go’aankii ay ...

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Cosoble Oo So gabagabeyay Tartan Kubada Cagta Oo Baladweyne Ka socday

July, 23, 2017
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa manta ka qeeyb galay Ciyaartii ugu danbeeysay ee lagu soo ...

Nabad Sugidda Soomaaliya oo saraakiil Al-shabab ka tirsan ku qabatay Magaalada Gaalkacyo

July, 23, 2017
Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa howlgal ay ka fuliyeen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ay ku ...

Al-shabaab oo Odayaasha Gobolka Sh/hoose kaarar aqoonsi ah u sameeyay

July, 23, 2017
Xarakada Al-shabaab ayaa Odayaasha Gobolka Shabeellaha hoose u qabatay Dowro ama Siminaar lagu barayay kutubta qaar,waxaana Odayaasha oo ...