Saturday, November 18th, 2017
Advertisements
Advertisements

Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Isniin Ah

Published on July 17, 2017 by   ·   No Comments

daily mirror

Manchester United ayaa u muuqata mid ku dhow inay gacanta ku soo dhigto xiddiga garabka ka ciyaara ee Inter Milan Ivan Perisic.

Goolhayaha Arsenal Wojciech Szczesny ayaa ku dhow inuu 8 milyan ginni ugu wareego kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ee Juventus.

Tottenham ayaa rajeyneysa inay dhameystirto saxiixa daafaca Estudiantes oo sideed milyan ginni ay kula soo wareegayaan dhamaadka isbuucaan Juan Foyth.

Harry Redknapp ayaa doonaya inuu la soo wareego Ashley Cole, Robbie Keane iyo Stewart Downing si ay uga caawiyaan in Birmingham ay ku soo laabato heerka koowaad.

daily telegraph

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka cagajiidaya inuu ka leexdo xiddigaha muhimka ah ee diirada u saaran isagoo weli isha ku haya xiddiga u calaamadeysan.

Xiddigii hore ee England Stewardt Downing ayaa wadahadalo ugu jira inuu u wareego Birmingham City oo uu ka soo wareego Middlesbrough.

daily express

Arsene Wenger ayaa diyaar u ah inuu la soo wareego daafaca Southampton Virgil van Dijk iyo xiddiga Moussa Dembele xagaagan.

the sun

Virgil van Dijk ayaa weli u wareegi kara Liverpool ka dib markii uu qirtay inuu kaliya doonaya inuu 60 milyan ginni ugu dhaqaaqo Anfield.

Chelsea ayaa loo sheegay inay heystaan muddo isbuuc ah oo ay kula wareegaan Pierre-Emerick Aubameyang.

Tababare Arsene Wenger ayaa rajeynaya in qandaraas cusub ku fadhiya mushahar gaaraya 275 kun ginni isbuucii inay ka dhaadhicin karto Alexis Sanchez inuu sii joogo Arsenal.

Goolhayaha Manchester City Joe Hart ayaa ku dhow inuu heshiis amaah ah maanta ugu wareego kooxda West Ham.

Leicester City ayaa filaneysa inay dalab labaad ka hesho kooxda Talyaaniga ee AS Roma oo ku aadan xiddigeeda Riyad Mahrez.

the independent

Tottenham ayaa isku diyaarineysa inay mar kale isku daydo la soo wareegida xiddiga khadka dhexe ee Everton Ross Barkley.

Manchester City ayaa ku dhow heshiis ay kula wareegeyso daafaca bidix ee Monaco Benjamin Mendy.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

WAR DEG DEG AH-:Xildhibaanada Golaha Shacabka oo isku raacay in Sharci Darro tahay dhiibistii Qalbi dhagax.

November, 18, 2017
Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo xiligaan ka socda Xarunta Golaha Shacabka ayaa warbixin ka dhageestay guddigii loo ...

{Akhriso} Qodobada Ay Isku Afgarteen Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Hogaanka Xisbiga WADDANI.

November, 18, 2017
Kulankii ay manta  yeesheen komishanka Doorashooyinka qaranka iyo hogaanka xisbiga WADDANI ayaa ku soo dhamaaday is afgarad buuxa. ...