Warbixin: PSG Oo U Bandhigtay Dhigeeda Arsenal Iney Kala Doorato Laba Xidig Oo Muhiim Ah Iskana Soo Wareejiso Sanchez.

0
7

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya dalka faransiiska, kooxda Paris Saint Germain ayaa isha ku heysa iney hesho adeegga ciyaariyahanka reer Chile ee weerarka uga ciyaara Arsenal Alexis Sanchez inkastoo tababare Arsene Wenger uu ku adkeysanayo inuusan xidigaas ka fasixin Emirates Stadium.

Weeraryahankii hore Barcelona heshiiska uu kula jiro Arsenal wuxuu dhacayaa June 2018 mana doonayo inuu heshiis cusub u saxiixo inkastoo jamaahiirta ay kalsooni ku qabaan in go’aanka Arsene uu yahay mid adag.

Si kastaba Paris Saint Germain haatan waxey soo hindistay qorshe aysan Arsenal marnaba ka jeesan karin waxeyna usoo bandhigtay Gunners laba xidig oo tayo wanaagsan iney heshiiska qeyb ka noqdaan.

Wariyaha reer France Nabil Djellit ayaa  shaaca ka qaaday in Paris Saint Germain ay diyaar u tahay iney ku wareejiso Gunners midkood xidigaha Lucas Moura iyo Blaise Matuidi.

“PSG waxey qorsheyneysaa iney ciyaartoy ku wareejiso Arsenal si ay qeyb uga noqdaan heshiiska Sanchez (Lucas ama Blaise Matuidi).

Sidoo kale wariyaha wuxuu xaqiijiyay in xidigaan uusan jimcadii ku sugneen Paris: “Xidiga reer Chile jimcadii kuma sugneen Paris”

Lucs Moura wuxuu dhaliyay 19-gool, 53-kulan oo uu xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay kasoo muuqday Paris Saint Germain balse xidiga heerka caalami uma shaqeeyo sidii laga rajeynayay markii uu 2012 imaanayay Paris.

Dhanka kale Blaise Matuidi heshiiska uu kula jiro PSG wuxuu dhacayaa 12-bilood kadib, waxaana jira hadal heyn ah inuu ka dhaqaaqayo Parc des Princess.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here