Thursday, February 22nd, 2018
Advertisements
Advertisements

Wargeyska SPORT: Lionel Messi Oo Soo Hindisay Qorshe Macquul Ah Oo Neymar Jr Kusii Joogi Karo Garoonka Camp Nou.

Published on July 25, 2017 by   ·   No Comments

Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaa durba bilaabay inuu Neymar Junior ku qanciyo kusii nagaashaha garoonka Camp Nou madama uu qeyb ka siiyay waajibaadkiisa tuurista laadadka xorta ah ee Barcelona.

Sida ay sheegayaan warbixino badan oo ka imaanaya Spain – Neymar Junior ayaa lala xiriirinayaa inuu ku biiro Paris Saint Germain inkastoo kooxda reer Catalan ay diyaar u tahay iney dagaal walba u gasho sidii ay ku ceshan laheyd.

Kooxda horyaalka faransiiska ka dhisan waxey diyaar u tahay iney bixiso aduun dhan 222 Malyan oo Euro oo lagu jabin karo heshiiskiisa walow ciyaartoyda Barcelona ay bilaabeen qorshe ay ku qancinayaan xidigii hore Santos.

Wargeyska SPORT ee Spain kasoo baxa ayaa baahiyay in Lionel Messi uu ogolaaday inuu qorshaha laadadka xorta ah ee Barcelona uu qeyb ka siiyay Neymar Jr si xidigaan uu u dareemo xorriyad iyo inuusan ku hoos jirin hooskiisa.

Ernesto Valverde ayaa ka walwalsan xaaladaan madama uusan jecleysan doonin in kooxdiisa ay weyso mid ka mid ah sadexleyda weerar ee MSN.

Si kastaba Messi wuxuu diyaar u yahay inuu xidigaan u ogolaado tuurista laadadka xorta ah, waana qorshe fiican oo xidigaan kusii heyn karta Barcelona sida uu qabo wargeyska reer Catalonia.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Sababta Keentay In Xilka Laga Qaado Gudoomiyihii Degmada Mahadaay Ee Sh/dhaxe

February, 22, 2018
Shalay ayay aheyd markii Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle xilkii looga ...

Maalinta Ciidamada Asluubta Soomaaliya oo la xusaayo

February, 22, 2018
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa waxaa maanta waxaa lagu qabanaya munaasabad lagu xusaayo 48-sano guuradii ka soo ...