Monday, November 20th, 2017
Advertisements
Advertisements

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo ku baaqay in la keeno Xargo kale oo Fibre Optic ah  

Published on July 17, 2017 by   ·   No Comments

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa ku baaqay in dalka la keeno Qad Internet oo Keyd ah, kaddib markii Qadkii Internet-ka Fibre Optic ee la soo marsiinayay Badda hoosteeda uu bishii hore markab jaray, taasoo sababtay Internet la’aan soo wajahday Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Mr Canshuur oo Wariyeyaasha kula hadlayay Xafiiskiisa, wax yar kaddib markii uu dib u soo laabtay Internet-ka ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalku yeesho Qad Internet oo keyd ah (Back Up), si looga bad baado, hadii uu mar kale cilad ku timaado Internet-ka ama uu go’o.

“Shirkadaha waxaa ka dooneynaa inay sameeyaan qaab xariga looga ilaalin karo maraakiibta ku soo xiraneysa Dekeda, taasoo u baahan in shirkadaha Internet-ka inay isla qorsheeyaan sidii looga bad baadi lahaa in mar kale uu xarigaas go’o”ayuu yiri Wasiir Canshuur.

Waxaa uu sheegay in dalka ay ka jirto fursad ganacsi oo lagu maalgashan karo, isagoo ku baaqay in la keeno Xargo kale, si looga baxo baahida Internetka ee sii kordheysa.

“Ganacsatada waxaa ugu baaqeynaa inay keenaan xargo kale oo Fibre Optic ah, dalka waxaa ka jira fursado lagu maalgashan karo”ayuu yiri Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddiisa ay gacanta ku heyso qorshe qaran oo ay qeyb ka noqonayaan daneenayaasha Isgaarsiinta, kaasoo uu xusay inuu damaanad qaadi doono helitaanka Isgaarsiin tayo leh oo la isku haleyn karo.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Shirkadda gacanta ku heysa adeega Internet-ka Fibre Optic dadaalkii ay ka geysteen in mar kale Internet-ka uu soo laabto.

Illaa 22 cisho ayuu Internet-ka ka maqnaa Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, iyadoo maqnaanshaha Internet-ka uu saameyn ku yeeshay dhamaan adeegyadii uu fududeynayay Internet-ka, waxaana dowladdu ay sheegtay in maalin walba la khasaarayay lacago malaayiin dollar ahaa.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Imaaraadka Carabta

November, 19, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi halkaas oo ay uga ...

{DAAWO SAWIRADA} Wasaaradda Dastuurka oo kulan la yeelatay Odayaasha Dhaqanka

November, 19, 2017
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista Dastuurka ayaa maanta kulan wadatashi ...