Tuesday, September 19th, 2017
Advertisements
Advertisements

Wenger Oo Xaqiijiyay Inuu Fariin Qoraaleed Kula Hadlay Alexis Sanchez Si Uu Uga Dhaadhiciyo Inuu Sii Joogo Arsenal

Published on July 15, 2017 by   ·   No Comments

Tababare Arsene Wenger ayaa fariin qoraaleed kula hadlaya weeraryahankiisa Alexis Sanchez si uu uga dhaadhiciyo inuu sii joogo kooxda Arsenal, sida ay qortay jariirada Ingariiska ee The Sun.

Tababaraha Gunners ayaa waxaa ka dhaadhacsan in weeraryahanka Chile uu dhameysan doono sannadka ugu danbeeya ee qandaraaskiisa, inkastoo asxaabtiisa Arsenal ay aaminsan yihiin inuu ku danbeyn doono Manchester City.

Wenger ayaa shaaca ka qaaday: “Waxaan kula hadlay fariin qoraaleed, waxaana ay wadahadaladu ahaayeen kuwa aad u niyadsan.

“Fekradaheyga waa kuwa mar walba niyadsami leh. Ma jiraan wax badan oo la xaliyo waqti xaadirkaan oo ku saabsan ciyaaryahanka.”

Sanchez oo 28 sanno jir ayaa fasax ku maqan ka dib markii uu ciyaaray koobka Confederations Cup halka Arsenal ay booqasho ku mareyso dalka Australia.

Laakiin Alexis Sanchez ayaa ku soo laaban doona tababarka dhamaadka bishaan.

Waxaana Wenger uu filanayaa inuu diyaar u noqdo bilowga xilli ciyaareedka isagoo tababar heli doona kaliya muddo labo isbuuc ah.

Waxa uu yiri: “Ciyaartoyda sida Alexis Sanchez waxa ay ciyaareen xilli ciyaareedka oo dhan, waxa ay ku dhameysteen xilli ciyaareedka iyagoo daalan, waxaana uu aaday koobka Confederations Cup.

“Uma sheegi kartid inaysan fasax qaadanin, uma sheegi kartid inay soo laabtaan oo ay sii ciyaaraan, waa wax aan macquul aheyn.

“Caadiyan waxa ay u baahan yihiin seddex isbuuc oo tababar ah marka ay soo laabtaan, laakiin waxa ay heli doonaan barnaamij gara ah oo marka ay isbuuc ilaa 10 maalmood tababar ka dib ay ka qeyb qaadan karaan kulamada qaar.

“Waxa ay sidoo kale ku xiran tahay taam ahaanshaha ay ku soo laabanayaan.”

Arsenal ayaa booqashadeeda Australia ku bilaabatay si fiican iyadoo saxiixadooda cusub Alexandre Lacazette uu dhaliyay gool kulankiisii ugu horeysay kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Sydney FC.

Waxa ay Sabtida la ciyaarayaan Western Sydney Wanderers ka hor inta aysan la ciyaarin Bayern Munich 19ka bisha July.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Ra’islawasaaraha Itoobiya oo Oromada iyo Somalida wadahadal uga furay Adis ababa.

September, 19, 2017
Ra’islawasaaraha Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn  ayaa kulan wadahadal ah u qabtay madaxda Maamullada Soomaalida iyo Oromada Dalka Itoobiya. Kulanka ...

Maxkamad Ku Taalo Gaalkacayo Oo La Geeyey nin lagu eedeeyay inuu nabi Muxamad (NNKH} u Gefay

September, 19, 2017
Maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn loo hadal haayay nin la sheegay in uu meel dhigay sawir ...

DAAWO: Madaxweyne Cali Cabdulahi Cosoble Oo War Kasoo Saaray Doorashadii Hirshabeelle

September, 19, 2017
Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo Magaalada Nairobi wareysi ku siiyay Tv-Universal ayaa ka hadlay ...

{DAAWO SAWIRRADA} Diyaarad qaad siday oo maalintii Labaad ka Degtay Buuhoodle

September, 19, 2017
Magaalada Buuhoodle ayaa Maalintii Labaad, waxaa ka degtay diyaarad qaad ka keentay dalka Kenya ka dib markii uu ...

Mareykanka oo ka Hadlay dagaalka Soomaalida iyo Oromada

September, 19, 2017
Dowladda Mareykanka ayaa u sheegtay Itoobiya in ay baarto 55 qof oo la sheegay in ay ku dhinteen ...

{DHAGEEYSO+AKHRISO} Culimadda Soomaaliyeed oo Bayaan ka soo saaray ninka u gafay Nabiga (NNKH)

September, 19, 2017
Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ayaa war kasoo saartay nin la sheegay in uu ku sugan yahay Magaalada Gaalkacyo oo ...

{DAAWO SAWIRADA} Shabaab oo soo bandhigay rag Ajaanib ah

September, 19, 2017
Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay Muuqaal Video ah oo ay ka duubeen Saddex nin oo u dhashay dalka ...