Tuesday, December 12th, 2017
Advertisements
Advertisements

Chelsea Oo U Jawaabtay Qareenka Diego Costa Ee Ku Hanjabay Inuu Talaabo Dhanka Sharciga Ah Ka Qaadi Doono

Published on August 4, 2017 by   ·   No Comments

Chelsea ayaa ku tilmaamtay wararka sheegaya in tababare Antonio Conte uu ku qasbayo weeraryahan Digeo Costa inuu kooxda ka tago inay tahay wax kama jiraan.

Qareenka 28 jirkaan oo lagu magacaabo Ricardo Cardoso ayaa u sheegay wakaalada wararka Spain EFE shalayto in ciyaaryahanka uu matalo inuu si rasmi ah u gudbin doono warqadiisa uu ku codsanayo in la iibiyo, waxaana uu sidoo kale ku hanjabay inuu talaabo dhanka sharciga ah ka qaado doono Chelsea.

Costa ayaa loo sheegay inuu dheeri yahay ciyaartoyda looga baahan Stamford Bridge, waana go’aan ay Chelsea sheegtay inay gaareen bishii Janaayo, waxaana la fahamsan yahay in xiddiga reer Spain ay dooneyso kooxdiisii hore ee Atletico Madrid.

Warar ay qoreen wargeysyada Ingariiska ayaa soo jeedinayay in Conte uu fariin qoraaleed ku wargeliyay Costa inaan looga baahneyn kooxda wixii ka danbeeya xagaagan.

“Haddii ay suurtogal tahay waxaan jeclaan lahaa inaan wax iraahdo anigoo ku hadlaya magaca kooxda. Caadiyan jawaab kama bixino waxyaabahaan oo kale, laakiin waxaan qabaa in markaan ay waajib tahay inaan hadalno” ayuu yiri afhayeen Chelsea.

“Arinta uu ka hadlay qareenku waa mid qalad ah. Sida uu Antonio sheegay go’aanka mustaqbalka Diego waxaa la gaaray bishii Janaayo.

“Ciyaaryahanka wuu ogaa go’aanka, wakiilkiisa wuu ogaa go’aanka, sida cadna si fiican waxba looguma sheegin qareenka.

“Sidaasi darteed, dooda qareenka ee ah in Antonio uu ciyaaryahanka ku qasbay inuu kooxda ka tago isagoo isticmaalaya fariin qoraaleed bishii Juun waa wax kama jiraan. Koox ahaan halkaas ayaa sheekada ku dhaafeynaa, waana arki doonaa waxa dhaca inta uu suuqa furan yahay.”

Costa ayaa dhaliyay 20 gool 35 kulan oo Premier League uu saftay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay iyadoo Chelsea ay ku guuleysatay horyaalka.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Full: Ciyaartii Galmudug & Banaadir Oo Xiiso Badneyd Daawo 2017

December, 11, 2017
Full: Ciyaartii Galmudug & Banaadir Oo Xiiso Badneyd Daawo 2017

Hay’adda la dagaalanka Musuqmaasuqa ee AAC oo sheegtay in musuqmaasuq baahsani ka jiro Somaliland

December, 11, 2017
Hay’adda madaxa banaan ee la dagaalanka Musuqmaasuqa (Action for anti corruption (AAC) ) ayaa sheegtay in Somaliland ay ...