Monday, December 11th, 2017
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha gobalka Benaadir oo furay tartanka Kubadda Cagta dagmooyinka

Published on August 4, 2017 by   ·   No Comments

Ciyaaraha dagmooyinka gobalka Benaadir ayaa maanta si rasmi ah uga furmay garoonka Koonis ee magaaladda Muqdisho.

Tartanka oo si heer sare ah loo qaabeeyay ayaa lagu daah furay maharajaan iyo Music ,iyadoo ay garoonka soo buuxiyeen dagmooyin badan.

Duqa magaaladda Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa furay ciyaaraha galabta kuwaas oo sanadkii hore u baaqday arimihii doorashooyinka ee ka dhacay Somalia.

Taabit oo ay wehliyaan ku xigeenadiisa iyo xubno u badan bahda ciyaaraha gobalka Benaadir ayaa isagoo ku labisan dharka sportiga waxaa uu laad qurxoon ku daah furay koobkan oo ah midka ugu xiisaha badan Muqdisho.

Qudbad kooban oo uu goobta ka jeediyay gudoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa Muqdisho ayuu ku sheegay inuu maamulkiisu ahmiyad gaar ah siin doono ciyaaraha iyo dhalinyaradda.

“Waxaan ognahay ahmiyadda ciyaaruhu u lee yihiin bulsho walba, waxaan maamul ahaan diirada saari doonaa inaan hormarino ciyaaraha iyo dhalinyarada taas waxaa ay naga dhigi doontaa bulsho guuleysata ayuu yiri gudoomiye Taabit.

Dagmooyinka Kaxdda iyo Boondheere ayaa lagu daah furay tartanka maanta waxaana ciyaartii furitaanka ay ku dhamaatay 0-0.

Tartanka dagmooyinka ayaa markii ugu horeysay lagu bixin doonaa abaalmarino lacageed sida uu sheegay gudoomiyaha gudiga ciyaaraha gobalka Benaadir Xasan Wiish.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Banaadir oo 3-0 ku dhufatay Xiddigaha Galmudug cayaar qeyb ka ah Tartanka maamul gobolleedyada

December, 11, 2017
Kulankan oo qeyb ka ah Tartanka maamul gobolleedyada ayaa waxaa ku awood sheegtay xulka Kubadda Cagta gobolka Banaadir ...

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Istanbuul,

December, 11, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Istanbuul ee dalka ...