Tuesday, October 17th, 2017
Advertisements
Advertisements

Dhibaatooyin lagu Haayo Soomaalida Mareykanka Kadib Markii Mar Qura ay Joojiyeen

Published on August 11, 2017 by   ·   No Comments

Guddiga fursadaha shaqaaleynta siman ee Dalka Mareykanka ee EEOC ayaa go’aamiyey inay jirto sabab macquul ah oo muujineysa in xuquuqda madaniga ee Soomaalida Mareykanka lagu xadgudbay markii shirkadda Cargill ay u diiday inay ku tukadaan warshad hilibka lagu baakadeeyo oo ku taala gobolka Colorado.

Go’aankan ayaa la gaaray laba sano kadib markii 150 qof oo shaqaale Soomaali ah ay shaqada ka dareereen kadib markii kor joogeyaashooda shaqada ay u diideen inay dukadaan xilliga ay ku jiraan fasaxa cuntada.

Cargill, oo ah shirkadda ugu weyn Mareykanka ee sida shaqsi loo leeyahay, ayaa markaa kadib shaqaalaha ka ceyrisay shaqada, ayada oo ku eedeysay inay ku xadgudbeen shuruucda ka qeyb-galka shaqada ee warashadan oo ku taalla magaalada Fort Morgan.

Cargill ayaa ku doodeysa in dhacdadan ay si xun u maareeyeen kor joogayaasha shaqada iyo shaqalaaha.

“Waxaan sameynaa waxa sharciga naga doonayo, waxaana bixinaa goobo waajibka diimeed lagu guto oo dheeri ah” ayay Cargill ku tiri bayaan ay soo saartay.

Soomaalida kunool dalka Mareykanka ayaa sanadyadii lasoo dhaafay la kulmaayay xadgudubyo kaga imaanayay Shirkadaha Mareykanka.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Dowlada Qadar: Ayaa Shegtay Qaraxii Muqdisho Ka dhacay In Ay Ka danbeyeen Isbaheysiga Sucuudiga’

October, 17, 2017
Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka aargoosanayaan waxa uu ...

Warar Dheraad ah ayaa Ka sobaxaayo Diyaarado xalay duqeyn ka geystay Sh.hoose

October, 17, 2017
Diyaarado dagaal ayaa xalay duqeyn ka geystay degaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha hoose iyada o khasaare isugu jira ...

Waxaan Shaki Ka jirin in ay jiraan dad nool oo ku hoos jira dhismayaasha ku bur buray qaraxii Isgoyska Zoobe

October, 17, 2017
Waxaa soconaya gurmad xooggan oo laga wado goobtii uu qaraxa ka dhacay Sabtidii todobaadkan ee Isgoyska Zoobe, waxaana ...

DHAGEYSO: Dowlada Jabuuti Oo Qaaday Talaabo Ay Ku Farxen Shacabka Soomaaliyed

October, 17, 2017
Safiirka Dalka Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan oo ka hadlay werarkii dhawaan ka dhacay Muqdisho iyo khasaaraha ...

DHAGEYSO: Ardada Wax Ka Barata Turkiga Oo Dhaawacyada u Diyaariyay Qorshe Cusub

October, 17, 2017
Mid kamid ah hormuudka ardada soomaaliyed ee wax kabarato Dalka Turkiga oo ka hadlay dhaawacyadii loo qaaday dalkaasi ...

DHAGEYSO: Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Oo is Casilay Iyo Sababta

October, 16, 2017
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Axmed Maxamuud Maxamed (Sayid Carab) ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii Afhayeenimo, kadib ...

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Farmaajo oo dhambaallo tacsi ka helay qaar ka mid ah Madaxda Caalamka

October, 16, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhambaallo tacsi ah waxaa soo gaarsiiyey hoggaamiyaasha qaar ka mid ah waddamada ...