Wednesday, August 23rd, 2017
Advertisements
Advertisements

Doorashada Kenya : Maxaa keeney in “ninkii cambuulada” uu qabsado baraha bulshada

Published on August 12, 2017 by   ·   No Comments

Nin si aanan ku talogal ahayn xiddig uga noqdey baraha bulshada kadib markii uu sawirkiisa kasoo muuqdey warbaahinta xili uu ku jirey safka codeynta isaga oo gacanta ku heysta bac ay ugu jirto digir iyo galley bisil oo uu cunayay ayaa ugu dambeyn la hadlay warbaahinta.

Sawirkiisa ayaa aad loogu faafiyey baraha bulshada, iyada lagu garabdhajiyey sawirada dadka caanka ah sida madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama iyo dad heesaa ah iyo waliba ciyaartooy, iyada oo loo ekeysiinayo in uu dadkaasi la kulmay. Balse ujeedadu tahay maad iyo qosol.

Sawirkiisa ayaa lagu dhajiyey sawirka hoggaamiyeyaasha KenyaLahaanshaha sawirkaTWITTER
Image captionSawirkiisa ayaa lagu dhajiyey sawirka hoggaamiyeyaasha Kenya

Ninkan oo magaciisa rasmiga yahay Martin Kamotho ayaa loogu magac daray Githeri Man ama Ninkii Cambuulada , wuxuuna noqdey wajiga maadeyska reer Kenya xili lagu jirey marxalado adag oo siyaasado cakiran iyo doorashooyin ay dalka ka socdeen.

Ninkani ayaa waxaa lasoo fariisiiyey barnaamij tabin toos ah oo ka baxayay taleefishinka gaarka loo leeyahay ee Citizen TV ee Kenya, kaasi oo xitaa mar sii horeysey u direy wariyeyaal xaafadii uu ku noolaa si ay usoo waraystaan.

Mar la weeydiiyey sababta uu cambuulada u cunayay ayuu yiri “Dhankaas hoose ayaan aaday, waxaanan heley cambuulo, waan iibsaday, kadibna safka ayaan la galay, halkaas waxaan u joogay in aan codeeyo, waxayna ahayd in aan wax cuno”.

Waa nin 41 jir ah oo u shaqeeya dowladda hoose, wuxuuna ka shaqeeyaa dhul xaaqista.

Kenya ayaa waxa ay dadka aad xiligan ugu baahi qabaan wax ka qososhiiya, islamarkaasina hilmaamsiiya xaaladaga murugsan ee lagu jiro, xitaa haddii ay tahay xili yar.

Caadi ahaan dadka Kenya ayaa caan ku ah in ay sawirro maad ah ka sameeyaan wax kasta oo ay u arkaan in uu qosol ku jiro, kadibna ku hoos qora oraahyo duulxul ah ama kaftan a

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Angola oo maanta loo dareerayo doorasho guud

August, 23, 2017
Dalka Angola maanta waxaa loo dareerayaa codbixinta doorashada guud ee dalkaasi. Codbixiyeyaasha ayaa dooranaya shakhsigii badali lahaa madaxweyne Jose ...

Britain oo Beesha Caalamka ka codsatay in lagu garab siiyo caawinta dadka abaaraha ay saameeyeen ee ku nool Soomaaliya

August, 23, 2017
Dowladda Britain ayaa Beesha caalamka ugu baaqday in lagu garab siiyo dadaallada ay ku bixineyso caawinta dadka abaaraha ...

Maxkamadda sare ee Madrid oo lasoo taagay Afar nin oo lagu eedeeyey weerarkii ka dhacay Barcelona

August, 23, 2017
Maxkamadda sare ee Magaalladda Madrid ee dalka Spain waxaa lasoo taagay afar nin oo lagu eedeeyey inay ka ...

Xiisad u dhaxeysa Galmudug iyo Ahlusuna oo saaka ka taagan deegaanka Mareergur

August, 23, 2017
Xiisad u dhaxeysa Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna ayaa saaka ka taagan deegaanka Mareergur ee gobolka Galgaduud, kaddib markii ...

Deg deg:- Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo Goordhaweed Jowhar ku Geeriyooday.

August, 22, 2017
Xildhibaan Aadan Macalin oo kamid ahaa Xildhibaanada Hir-Shabeelle ayaa Goordhaweed ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Magaalada Jowhar ee ...

Madaxweynaha Soomaaliya Oo faah faahin Ka bixiyay Safarkii uu Ku Tagay Dalka Masar

August, 22, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo galabta dalka dib ugu soo laabtay ayaa faray Xukuumadda inay dabagal ku ...

{DAAWO SAWIRADA} Micheal Keating Oo Maanta Gaaray Magaalada Kismaayo

August, 22, 2017
Wafdiga maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubbada hoose ayaa waxaa hogaaminaayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada ...