Monday, December 11th, 2017
Advertisements
Advertisements

Halkey Marayaan Warbixinadii Ivan Perisic La Xiriirinayay Man United? Jose Mourinho Ayaa Si Weyn U Faah-Faahiyay.

Published on August 8, 2017 by   ·   No Comments

Manchester United ayaa u muuqata mid ku guuldareysatay saxiixa garabka Inter Milan Ivan Perisic madaama ay la kulmi weysay lacagaha ay kooxda ka dhisan talyaaniga ku dooneyso xidigeeda reer Croatia.

Inter Milan waxey dooneysaa aduun dhan 48 Malyan oo Pound iney ku hesho madaxa xidigii hore Wolfsburg, balse haatan wax walba waxey u muuqdaan in Perisic uu heshiis cusub u saxiixayo kooxdiisa.

Jose Mourinho oo bishii Maarso ee sanadkaan la kulmay Ivan Perisic ayaa si dadban u xaqiijiyay iney ku fashilmeen loolankii ay ugu jireen saxiixa Ivan Perisic.

Waa sida ay tahay kubadda cagta!” ayuu yiri Jose Mourinho mar la weydiiyay sababta ay ugu fashilmeen helitanka Ivan Perisic.

“Hadii aan ka hor imaan lahaa Inter Milan waxaan kaliya dooni lahaa guul” ayuu mar kale isagoo tilmaamaya in muhiimadda ugu weyn ee waqtigaan ay tahay shaqadiisa.

“Waa koox xoogan, waxey sameeyeen difaac nafsi fiican si ay u ilaashadaan shaqsi muhiim u ah, waana sida ay tahay kubadda cagta”

Red Devils si fiican ayey ugu mashquushay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda madama ay lasoo saxiixdeen Victor Lindelof, Romelu Lukaku & Nemanja Matic, balse Perisic ayey ku guuldareysteen sida muuqata.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Banaadir oo 3-0 ku dhufatay Xiddigaha Galmudug cayaar qeyb ka ah Tartanka maamul gobolleedyada

December, 11, 2017
Kulankan oo qeyb ka ah Tartanka maamul gobolleedyada ayaa waxaa ku awood sheegtay xulka Kubadda Cagta gobolka Banaadir ...

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Istanbuul,

December, 11, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Istanbuul ee dalka ...