{DAAWO SAWIRADA} Hazard & Bakayoko Oo Seegaya Kulanka Arsenal, Morata Miyuu Ciyaari Doonaa? – Tababare Antonio Conte Ayaa Kaga Hadlay Shirkiisa Jaraa’id Ee Ka Hor Koobka Community Shield

0
22

Eden Hazard iyo saxiixa cusub ee Chelsea Tiemoue Bakayoko ayaa seegi doona kulanaka Axada ee koobka daahfurka xilli ciyaareedka Community Shield ee ay la ciyaarayaan kooxda Arsenal.

Tababare Antonio Conte oo shir jaraa’id qabtay maanta ayaa sheegay in labada ciyaartoy ay si weyn uga shaqeynayaan inay ka soo kabsadaan qaliinkii lagu sameeyay xagaaga, waxaana uu xusay inay xitaa macquul tahay inaysan taam u noqonin kulanka ugu horeeya xilli ciyaareedka Premier League ee ay la ciyaarayaan kooxda Burnley isbuuca danbe.

Tababare Antonio Conte ayaa ku haminaya inuu hanto koobkii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka maalinta Axada marka ay qoorta isku galaan kooxda Arsenal.

 

.

“Waxaan dooneynaa inaan xilli ciyaareedka ku bilaabano guul. Waxaan rajeynayaa inaan ciyaar fiican ka arko ciyaartoyda iyo taageerayaasha.

“Kani waa koobkii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka. Waa kulan muhiim ah. Waxaan dooneynaa inaan ciyaarno ciyaar fiican oo xamaasad fiican leh.”

Tababaraha Chelsea waxa uu sidoo kale xusay in kooxdiisa ay u baahan tahay saxiixyo cusub inkastoo ay soo iibsadeen xiddigaha sida Alvaro Morata iyo Bakayoko.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here