Monday, December 11th, 2017
Advertisements
Advertisements

Inuu Zidane Wajahay United, In Jose Uu Maamulay Real & Xiriirka Dahsoon Ee Ka Dhaxeeya Xidigaha & Labada Tababare Ka Hor Final-ka UEFA Super Cup.

Published on August 8, 2017 by   ·   No Comments

Manchester United & Real Madrid ayaa is wajahaya caawa fnal-ka tartanka UEFA Super Cup  kulan ka dhici doona Skopje oo ku taala Macedonia.

Real Madrid waxey ku guuleysatay Champions League halka Red Devils ay si tartiib ah usoo qaaday koobka UEFA Europa League.

Kulanka caawa waxaa laga soo calaameeyay dhawr xaqiiqooyin oo kala duwan, sheekada ugu xiisaha badan ayaana ah xiriirka ka dhaxeeya ciyaartoyda & maamulka labada kooxood.

 

Jose Mourinho wuxuu maamulay Real Madrid intii u dhaxeysay 2010 ilaa 2013, si rikoor ah ayuu ugu qaaday La Liga 2012 madama uu 100 dhibcood keensaday. Sidoo kalana Copa del Rey ayuu sanadkii xigay ku daray. Sidoo kale sadexdas sano wuxuu geeyay dhamaantood semi final-ka UEFA Champions League.

Zidane ayaa ciyaaray labadii lug ee ay Real Madrid & Man United isku wajaheen Champions League quarter final 2002/2003, balse isagoo Juventus ka tirsan ayey United ku reebtay Semi final-ka tartanka Champions Leageu 1998/99. Sidoo kale gool ayuu dhaliyay Zidane kulan ay 3-2 qasaaro ah kala kulmeen United ciyaar Old Trafford ka dhacda October 1997. Rikoorkiisa guud ee United waa 4-guul, 3-guuldaro iyo 1-barbaro isagoo ciyaariyahan ah.

Cristiano Ronaldo ayaa ahaa xirtay maaliyadda Man United intii u dhaxeysay 2003 ilaa 2009, wuxuu kula guuleystay sadex jeer Premier League titles, FA Cup & Sidoo kale Champions League sanadkii 2008.

David De Gea ayaa u ciyaaray Atletico Madrid intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2011, shan jeer ayuu wajahay Real Madrid mid walbana guularo ayuu gudoomay.

Ander Herrera ayaa usoo ciyaaray Real Zaragoza intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2011 kadibna wuxuu sii joogay ilaa 2014. Hal kulan ayuu barbaro ka helay Real Madrid sidoo kalana shan jeer ayuu qasaaro kala kulmay.

Juan Mata ayaa afar sano ku qarash gareeyay akadeemiga Madrid, balse waligiis kooxda waaweyn uma ciyaarin. Valencia ayuu u guuray 2007, wuxuuna dhaliyay gool kulan ay 3-0 ku dubteen Real Madrid sanadkii 2009.

 

Eric Bailly kulankii labaad ee uu Villrreal kasoo muuqdo wuxuu barbaro 1-1 ah la galay Madrid 1-dii March 2015, labadii kulan ee xilli ciyaareedkii xigay wuu saftay labada kulan wey kala badiyeen labada kooxood.

Gareth Bale ayaa dhaliyay gool kulan ay Tottenham 3-2 ku dhaaftay United 29-kii September 2012, waxeyna aheyd guushii ugu horeysay Spurs ku gaarto Old Trafford muddo 23-sano ah.

Bale wuxuu joogay Tottenham intii u dhaxeysay 2007 ilaa 2013, halka Luka Modric uu isna White Hart Lane joogay 2008 ilaa 2012.

Toni Kroos ayaa ka mid ahaa Bayern Munich markii ay 4-2 isku cel-celis ah ku garaaceen Man United quarter final-kii Champions League 2013/2014.

Daley Blind ayaa wajahay Real Madrid sadex jeer isagoo ka tirsan Ajax Amsterdam sadexdaba guuldarooyin culus ayaa la taabsiiya – 3-0 ayaa lagu dilay kulan ka dhacay Santiago 2011/2012, sidoo kalana labadii kulan ee xilli ciyaareedkii xigay 4-1 ayaa lagu garaacay waana dhamaan kulamo ka tirsan wareega group-yada UCl.

Henrikh Mkhitaryan ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii Dortmund ee ay Real Madrid ku reebtay quarter final-ka Champions League 2013/14, inkastoo ay Jarmalka kusoo badiyeen 2-0, waxaa lagu reebay 3-0 markey yimaadeen Spain.

Paul Pogba ayaa ka caawiyay Juventus iney reebaan Real Madrid  xilli ciyaareedkii 2014/15, markii ay isku qabteen semi final-ka UCL – wuxuuna kasoo muuqday lugtii labaad ee Santiago.

CIYAARTOYDA QARAMADA WADAAGAY:

David de Gea, Ander Herrera, Juan Mata & Isco, Sergio Ramos, Dani Carvajal, Nacho (Spain)

Paul Pogba and Raphäel Varane (France)

 

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Banaadir oo 3-0 ku dhufatay Xiddigaha Galmudug cayaar qeyb ka ah Tartanka maamul gobolleedyada

December, 11, 2017
Kulankan oo qeyb ka ah Tartanka maamul gobolleedyada ayaa waxaa ku awood sheegtay xulka Kubadda Cagta gobolka Banaadir ...

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Istanbuul,

December, 11, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Istanbuul ee dalka ...