Tuesday, October 17th, 2017
Advertisements
Advertisements

Isbarbar Dhig Lagu Sameeyay Matić Iyo Bakayoko Saxiixyada Cusub Ee Kooxaha Chelsea Iyo Manchester. Keba Wanaagsan?.

Published on August 2, 2017 by   ·   No Comments

Manchester United ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dhameystirtay saxiixa laacibka reer Serbia ee Nemanja Matić oo ay kooxda Chelsea kagala soo wareegtay aduun dhan 45 million euros, kadib mudo laba isbuuc oo wada hadalo u socday kooxaha Red Devils iyo Blues.

Maamulka kooxda Blues ayaana ugu dambeyn u fasaxay Nemanja Matić in Stamford Bridge uu kaga dhaqaaqo Old Trafford, kadib markii ay lasoo saxiixatay laacibka khadka dhexe reer france ee Tiémoué Bakayoko, isla markaana ay dhigeyso in xili ciyaareedka cusub Matić markale la shaqeyn doono tababarahiisii hore ee Jose Mourinho.

Hadaba kadib markii la dhameystiray saxiixyada labdan xidig ee Nemanja Matić iyo Tiémoué Bakayoko, shabakada “Sky Sports” ayaa waxay isbar bar dhig ku sameey saxiixyada cusub ee kooxaha Chelsea iyo Man United, xili tirikoobkii laga sameeyay labadan xidigan xili ciyaareedkii lasoo dhaafay uu ka saramaray Matić dhigiisa Bakayoko.

Sky Sports ayaa isbar bar dhiga ay ku sameysay xidigahan waxay kaga eegtay dhanka safashadooda horyaalada Premier League-ga iyo France Ligue 1, waxaana tirikoobkii laga sameeyay xidig kastaa ay u dhacday sidan:

Nemanja Matić:
28 jir
35 kulan.
Wuxuu caawiyay 7 gool.
51 jeer ayuu ka hor istaagay weerar halis ku ahaa safka kooxda Chelsea.
143 jeer ayuu kula guuleystay weerar toos ah xidigaha kula sugnaa safka kooxda Blues.
Tiémoué Bakayoko:
22 jir.
32 kulan.
Wuxuu caawiye ka noqday 1 gool oo kaliya.
70 kubadood oo weerar ku ahaa dhanka kooxdiisii Monaco ayuu hakad galiyay.
242 jeer ayuu kula guuleystay weerar toos ah xidigaha kula sugnaa safka kooxda Monaco.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Goobaha ganacsiga & iskuulada Kismaayo oo Manta la xiray iyo dibad-bax Xoogan oo ka Bilowday

October, 17, 2017
Banaanbax looga soo horjeedo qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho isla markaana loogu ...

Kuuriyadda Koonfureed oo War kasoo saartay Qaraxii Zoobe

October, 17, 2017
Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta si adag u cambaareeysay qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhacay ...

Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka Oo Sheegtay Inay Diyaar U Yihiin Taageero Ay Siiyaan Soomaaliya

October, 17, 2017
Waaxda Gaashaanigga Maraykanka (The Pentagon) ayaa ku dhawaaqay inay kordhin doonaan taageeradda ay siiyaan DFS, haddii ay ka ...

Dowlada Qadar: Ayaa Shegtay Qaraxii Muqdisho Ka dhacay In Ay Ka danbeyeen Isbaheysiga Sucuudiga’

October, 17, 2017
Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka aargoosanayaan waxa uu ...

Warar Dheraad ah ayaa Ka sobaxaayo Diyaarado xalay duqeyn ka geystay Sh.hoose

October, 17, 2017
Diyaarado dagaal ayaa xalay duqeyn ka geystay degaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha hoose iyada o khasaare isugu jira ...

Waxaan Shaki Ka jirin in ay jiraan dad nool oo ku hoos jira dhismayaasha ku bur buray qaraxii Isgoyska Zoobe

October, 17, 2017
Waxaa soconaya gurmad xooggan oo laga wado goobtii uu qaraxa ka dhacay Sabtidii todobaadkan ee Isgoyska Zoobe, waxaana ...

DHAGEYSO: Dowlada Jabuuti Oo Qaaday Talaabo Ay Ku Farxen Shacabka Soomaaliyed

October, 17, 2017
Safiirka Dalka Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan oo ka hadlay werarkii dhawaan ka dhacay Muqdisho iyo khasaaraha ...