Monday, November 20th, 2017
Advertisements
Advertisements

Mbappe → PSG, Coutinho → Barca, Vardy → Chelsea, Perisic → United & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Published on August 23, 2017 by   ·   No Comments

Chelsea ayaa u tababarahi hore Dortmund Thomas Tunchel inuu yahay badalka ugu fiican ee Antonio Conte xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in xiisad ka dhex jirto macalinka reer talyaani iyo maamulka Blues. (Bild)

Barcelona ayaa dalabkii ugu dambeeyay oo gaaraya 136 Malyan oo Pound ka gudbineysa kubad sameeyaha Liverpool Philippe Coutinho kaas oo 25-jir ah si ay isugu dayaan iney xaliyaan diidmada sadexda jeer ee Reds. (The Sun).

Barcelona ayaa dooneysa iney dalabkii faraad ka gudbiso xidiga reer Brazil kaas oo ku kacaya 138 Malyan oo Pound, lana hormarin doono 101 Malyan sidoo kalana 37 Malyan loo bixin doono qaab gunno ah. (Mail).

Chelsea ayaa ku dhaw iney 30 Malyan oo Pound kula wareegto xidiga khadka dhexe Leicester city Danny Drinkwater kaas oo 27-jir ah, sidoo kalana difaacdayaasha waxey xiiseynayaan Antonio Candreva oo 30-jir ah laguna qimeeyo 25 Malyan oo Pound. (Mirror)

The Blues sidoo kale waxey xiiseyneysaa iney si layaab leh dalab ug gudbiso 30-jirka Leicester City Jamie Vardy. (Mirror)

Sidoo kalana difaacdayaasha wali waxey xiiseynayaan 23-jirka Torino iyo qaranka talyaaniga Andrea Belotti. (Star)

Alex Oxlade-Chamberlain ayaan jeleysaneynin inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa xilli Liverpool iyo Chelsea ay xiiseynayaan 24-jirkaan. (Telegraph)

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Imaaraadka Carabta

November, 19, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi halkaas oo ay uga ...

{DAAWO SAWIRADA} Wasaaradda Dastuurka oo kulan la yeelatay Odayaasha Dhaqanka

November, 19, 2017
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista Dastuurka ayaa maanta kulan wadatashi ...