Tuesday, October 17th, 2017
Advertisements
Advertisements

Miyuu Goolkii Casemiro Ahaa Offside? Marca & AS Oo Ku Kala Aragti Duwanaaday Go’aankii Lagu Ansixiyay Goolkii Koowaad Ee Real Madrid Kulankii Xalay.

Published on August 9, 2017 by   ·   No Comments

Real Madrid ayaa ku guuleysatay koobka UEFA Super Cup markii labaad oo xiriir ah iyo markii afaraad taariikhdeeda kadib markii ay 2-1 kaga adkaadeen Manchester United inkastoo muran badan laga keenay goolka furitaanka ee Casemiro.

Dani Carvajal ayaa daqiiqadii 23-aad kubad aad looga shaqeeyay u gudbiyay burburiyaha reer Brazil Casemiro kaas oo kaamirooyinka ay muujinayeen inuu inyar oo aan si weyn loo arki karin ka horeeyay daafaca Red Devils.

Si kastaba goolka wuxuu noqday mid la ansixiyay, balse aragti ahaan waxa uu goolkaas ahaa wey ku kala duwanaadeen labada wargeys ee kasoo baxa Spain [AS iyo Marca] kuwaas oo garsoorayaal hore wax ka weydiiyay arintaan.

Wargeyska AS wuxuu su’aashaan hordhigay garsoorahii hore horyaalka La Liga Eduardo Iturralde González kaas oo haatan 50-jir ah wuxuuna aaminsan yahay in si cad ay Offside u aheyd balse aysan aheyn wax aad ishu u qaban kartay.

“Wey adkeed in la arko sababtoo ah kaliya dhawr sentimitir ayuu ka horeeyay, balse waa Offside” ayuu yiri Eduardo Iturralde.

Dhanka kale jariiradda Marca ayaa iyana wax ka weydiisay arintaan falanqeeyahooda Juan Andujar Oliver kaas oo isna ah garsoore hore oo horyaalka La Liga ah.

“Fiiri cagta Smalling, mana ahan wax cad iney aheyd offside” ayuu yiri Olivier oo 69-jir ah.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Dowlada Qadar: Ayaa Shegtay Qaraxii Muqdisho Ka dhacay In Ay Ka danbeyeen Isbaheysiga Sucuudiga’

October, 17, 2017
Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka aargoosanayaan waxa uu ...

Warar Dheraad ah ayaa Ka sobaxaayo Diyaarado xalay duqeyn ka geystay Sh.hoose

October, 17, 2017
Diyaarado dagaal ayaa xalay duqeyn ka geystay degaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha hoose iyada o khasaare isugu jira ...

Waxaan Shaki Ka jirin in ay jiraan dad nool oo ku hoos jira dhismayaasha ku bur buray qaraxii Isgoyska Zoobe

October, 17, 2017
Waxaa soconaya gurmad xooggan oo laga wado goobtii uu qaraxa ka dhacay Sabtidii todobaadkan ee Isgoyska Zoobe, waxaana ...

DHAGEYSO: Dowlada Jabuuti Oo Qaaday Talaabo Ay Ku Farxen Shacabka Soomaaliyed

October, 17, 2017
Safiirka Dalka Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan oo ka hadlay werarkii dhawaan ka dhacay Muqdisho iyo khasaaraha ...

DHAGEYSO: Ardada Wax Ka Barata Turkiga Oo Dhaawacyada u Diyaariyay Qorshe Cusub

October, 17, 2017
Mid kamid ah hormuudka ardada soomaaliyed ee wax kabarato Dalka Turkiga oo ka hadlay dhaawacyadii loo qaaday dalkaasi ...

DHAGEYSO: Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Oo is Casilay Iyo Sababta

October, 16, 2017
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Axmed Maxamuud Maxamed (Sayid Carab) ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii Afhayeenimo, kadib ...

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Farmaajo oo dhambaallo tacsi ka helay qaar ka mid ah Madaxda Caalamka

October, 16, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhambaallo tacsi ah waxaa soo gaarsiiyey hoggaamiyaasha qaar ka mid ah waddamada ...