Thursday, February 22nd, 2018
Advertisements
Advertisements

Ra iisulwasare Khayre “Ciyaaraha waxaa ay dhallinyarada kusoo jiidaan nabadda Iyo Isdhaxgalka ”

Published on August 12, 2017 by   ·   No Comments

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in ciyaaraha kala duwan ee la ciyaaro ay dadka kusoo jiideen ka shaqeynta nabadda, iyagoona kasoo jeesta colaadihii daashaday.

 

 

Md. Khayre, ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu ka qeyb-galay ciyaar lagu maamuusayay maalinta Dhallinyarada Adduunka, waxaana ciyaarahaasi soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha.

 

 

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu dhiirigeliyey qeybihii kala duwanaa ee ciyaaraha soo bandhigay, wuxuuna xusay inay maanta tahay maalin taariikhi ah oo ka turjumaysa doorka dhalinta Soomaaliyeed ku leeyihiin horumarka dalkooda. Isagoo sheegay inuu dareen sanyahay xaalada adag ee dhalinta Soomaaliyeed ku sugan yihiin iyadoo xiligan dalka uu kasoo kabanayo marxaladihii adkaa.

 

 

Mudane Khayre waxaa uu cadeeyay go’aanka dawladda ee ku wajahan wax-ka qabashada arrimaha dhallinyarada iyo siday da’yartu uga qeyb gali lahaayeen nabadaynta iyo horumarka dalka. wuxuu tilmaamay inay dawladdu u dhego nugushahay dhalinta Soomaaliyeed.

 

 

Daawashada Cayaaraha ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo dadweyne isaga kala yimid degmooyinka Caasimadda.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Sababta Keentay In Xilka Laga Qaado Gudoomiyihii Degmada Mahadaay Ee Sh/dhaxe

February, 22, 2018
Shalay ayay aheyd markii Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle xilkii looga ...

Maalinta Ciidamada Asluubta Soomaaliya oo la xusaayo

February, 22, 2018
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa waxaa maanta waxaa lagu qabanaya munaasabad lagu xusaayo 48-sano guuradii ka soo ...