Sunday, February 18th, 2018
Advertisements
Advertisements

Raila Odinga iyo William Ruto oo gaaray xarunta guddiga doorashada ee Bomas

Published on August 11, 2017 by   ·   No Comments

Hogaamiyaha mucaaradka oo ah musharaxa Madaxweynaha Kenya Raila Odinga iyo musharaxa ku xigeenka Madaxweynaha Kenya Kalonzo Musyoka iyo Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya ee William Ruto ayaa goor dhow waxa ay gaareen Bomas oo ah xarunta ay ka socoto tirinta codadka doorashada Kenya.

Hase yeeshee Madaxweynaha Kenya Kenyatta ayaan weli gaarin xarunta Bomas iyadoo dhowaan laga sugayay guddiga doorashada natiijadii ugu dambeysay ee doorashadii ka dhacday dalka Kenya.

Guddiga doorashada iyo xuduudaha Kenya ayaa sheegay in ay hayaan illaa iyo 273 deegaan natiijada Form34B iyadoo weli ay harsan tahay in la soo dhamaystiro illaa iyo 17 kale si loo dhamaystiro natiijada doorashada Madaxweyne.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Kenya Wafula Chebukati ayaa sheegay inaysan soo gaarin weli natiijooyinkii  deegaanada kala ah Nyali, Mvita, Lagdera, Wajir East, Mandera West, North Imenti, Mwingi North, Ndaragwa, Mathira, Kitui West, Turkana North, Kasipul, North Mugirango iyo Embakasi West.

Xarunta Bomas ayaa banaankeeda waxaa buuxa dadweyne badan oo sugaya ku dhowaaqista natiijada doorashada.

Ammaanka Boma ayaa aad loo adkeeyay waxaana halkaas ku sii qulqulaya diblumaasiyiin iyo madax kale, waxaa dadka hadda jooga laga xusi karaa Adan Ducaale oo ah xildhibaan laga soo doortay Garissa iyo wasiirka arrimaha dibada Kenya.

Waxa kale oo xarunta ku sugan Safiirka dowlada Maraykanka u fadhiya Kenya Robert Godec.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Daawo Yaa Ka Danbeeyay In Laxiro Suuqa Bakaaraha

February, 18, 2018
Yaa Ka Danbeeyay In Laxiro Suuqa Bakaaraha

{DAAWO SAWIRADA} Booliska Muqdisho oo qabtay Rag ka ganacsanayay maandooriye

February, 18, 2018
Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka sameeyeen Xaafadda Gubadley ee degmada Kaaraan waxa ay kusoo qabteen rag ...