Tuesday, October 17th, 2017
Advertisements
Advertisements

Real Madrid Oo UEFA Super Cup Ku Guuleesato Markeedii 4-aad

Published on August 9, 2017 by   ·   No Comments

Kooxda Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu guuleesatay UEFA Super Cup 2017 kadib markii 2-1 ay guusha kaga qaaten kooxda Man United.

Madrid waxay guusha kaga mahad celinee xidigaheeda Casemiro iyo Isco oo labada gool dhaliyeen, inkastoo Lukaku uu shabaqa soo taabtay hadana midaas kama bad baadin Man United guuldaro.

Shaxiihii Ay Labadaan Koox Kusoo Galeen Qaybta Hore:

MANCHESTER UNITED (4-3-3): De Gea; Valencia, Lindelof, Smalling, Darmian; Pogba, Matic, Herrera; Lingard, Mkhitaryan, Lukaku.

Keedka: Mata, Martial, Carrick, Blind, Rashford, Romero, Fellaini.

REAL MADRID (4-3-3): Navas; Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo; Modric, Casemiro, Kroos; Bale, Benzema, Isco.

Keedka: Real Madrid subs: Nacho, Ronaldo, Casilla, Hernandez, Vazquez, Asensio, Kovacic.

Casemiro ayaa Real Madrid hogaanka  dhiibay daqiiqadii 24-aad wuxuuna laacibkan daba mareeyay daafacyada Man United xili uu dhameestiray kubad uu caawinaad ka geestay Carvajal.

Cayaaryahan Casemiro wuxuu ciil ka qabay in kubad uu madaxa la helay qoriga Man United kaga dhacday daqiiqadii 16-aad.

Kulankaan daqiiqadii 30-aad waxaa la aaday sedex daqiiqo oo nasiino ah madaama magaalada Skopje cimiladeeda aad u kulul yihiin caawana heer kulka wuxuu marayaa 32C.

Inta badan qaybtii hore ee cayaarta waxay gacan sareesay kooxda Real Madrid dhanka kubad heeshada iyo isku dayga goolasha ayadoo 1-0 lagu kala nastay.

Qaybta labaad ee cayaarta Macalin Mourinho wuxuu keena Marcos Rashford asigoo badalay Lingard oo qaybtii hore calaamada jalaaha la siiyay.

Man United inta aysan isla qabsanin dadaalna u galin inay iska soo gudaan goolkii lagu lahaa waxaa xaalada kusii adkeeyay Isco oo 2-0 cayaarta ka dhigay daqiiqadii 52-aad.

Isco ayaa si qurux badan gool ugu badalay kubad uu ku dhufsaday Grathe Bale una sii wareejiyay.

Man United ayaa si dhaqsi ah cayaarta ugu soo laaban rabtay daqiiqadii 53-aad kadib markii Pogba uu kubad madaxa la helay waxaa ka bad baadiyay goolhaye Navas laakiin nasiib daro Lukaku ayaa kubadii meel cidlo ah ka helay isagana laadkiisa goosha ayuu dul mariyay.

Macali Mourinho ayaa badalkiisa labaad sameeyay wuxuuna keenay Fellaini asigoo badalay Ander Herrera daqiiqadii 56-aad waxaana shaqeyn weesay isla qabsan waayeen Pogba, Matic iyo Herrera inay isla jaan qaadaan.

Real Madrid ayaa ku dhawaatay inay cayaarta 3-0 ka dhigto daqiiqadii 61-aad balse nasiib daro Bale ayaa laad xoogan qoriga goosha ku dhuftay.

Cayaarta waxay yeelatay waji kale daqiiqadii 62-aad markii Lukaku uu shabaqa gool ku hubsaday kana faa’iideestay kubad uu goolhaye Navas soo tufay kadib markii Matic darbo xoogan ka dhigay waxayna cayaarta noqotay 2-1.

Tababare Zidane ayaa badalkiisii ugu horeeyay sameeyay wuxuuna garoonka saaray Bale daqiiqadii 74-aad asigoo keenay Asensio.

Sidoo kale Isco ayaa cayaarta laga saaray waxaana lasoo galiyay Lucas Vázquez sidoo kalena xiliga biyo cabaalka ma nasiinada ayaa la aaday daqiiqadii 75-aad.

Man United oo car car dheeraad ah lasoo baxday waxaa fursad qaali ah ka qasaariyay Marcos Rashford daqiiqadii 81-aad markii la siiyay kubad isaga iyo goolhaye Navas ah laakiin laadkiisa shabaqa ma gaarin waa laga bad baadiyay.

Cristiano Ronaldo ayaa kulankaan lasoo galiyay daqiiqadii 82-aad waxaana loo badalay Karim Benzema si uu qaybaha dambe u cayaaro.

Kulankaan waxaa lagu daray todobo daqiiqo ayadoo Real Madrid 2-1 ku hogaamineyso madaama qaybtii labaad dhaawac dhanka madaxa ah soo gaaray Fellaini kaasi oo daqiiqado badan qaatay xalintiisa.

Goolhaye De Gae ayaa daqiiqadii 91-aad kubad gool loo filan karay ka celiyay Asensio waxaana si qurux badan kaga soo shaqeeyay Lucas Vázquez.

Kulankaan ayaa ugu dambeyntii 2-1 kusoo idlaaday waxaana sidaas Super Cup-ka Yurub ku qaaday kooxda Real Madrid.

Real Madrid markeedii 4-aad ayay Super Cup-ka Yurub ku guuleesatay halka Man United sedexii jeer ee ugu dambeesay koobkan oo ay cayaartay laga qaaday.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Dowlada Qadar: Ayaa Shegtay Qaraxii Muqdisho Ka dhacay In Ay Ka danbeyeen Isbaheysiga Sucuudiga’

October, 17, 2017
Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka aargoosanayaan waxa uu ...

Warar Dheraad ah ayaa Ka sobaxaayo Diyaarado xalay duqeyn ka geystay Sh.hoose

October, 17, 2017
Diyaarado dagaal ayaa xalay duqeyn ka geystay degaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha hoose iyada o khasaare isugu jira ...

Waxaan Shaki Ka jirin in ay jiraan dad nool oo ku hoos jira dhismayaasha ku bur buray qaraxii Isgoyska Zoobe

October, 17, 2017
Waxaa soconaya gurmad xooggan oo laga wado goobtii uu qaraxa ka dhacay Sabtidii todobaadkan ee Isgoyska Zoobe, waxaana ...

DHAGEYSO: Dowlada Jabuuti Oo Qaaday Talaabo Ay Ku Farxen Shacabka Soomaaliyed

October, 17, 2017
Safiirka Dalka Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan oo ka hadlay werarkii dhawaan ka dhacay Muqdisho iyo khasaaraha ...

DHAGEYSO: Ardada Wax Ka Barata Turkiga Oo Dhaawacyada u Diyaariyay Qorshe Cusub

October, 17, 2017
Mid kamid ah hormuudka ardada soomaaliyed ee wax kabarato Dalka Turkiga oo ka hadlay dhaawacyadii loo qaaday dalkaasi ...

DHAGEYSO: Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Oo is Casilay Iyo Sababta

October, 16, 2017
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Axmed Maxamuud Maxamed (Sayid Carab) ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii Afhayeenimo, kadib ...

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Farmaajo oo dhambaallo tacsi ka helay qaar ka mid ah Madaxda Caalamka

October, 16, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhambaallo tacsi ah waxaa soo gaarsiiyey hoggaamiyaasha qaar ka mid ah waddamada ...