Monday, December 11th, 2017
Advertisements
Advertisements

Walaaca ka taagan beedka sumaysan ee suuqyada Yurub soo galay

Published on August 11, 2017 by   ·   No Comments

Dambi baadheyaasha dalka Holland ayaa xidhay laba qof oo lagu tuhunsanyahay kiimikada laga helay beedka suuqyada Yurub galay ee dalkaa laga dhoofiyey.

Arintani waxay dhacday ka dib markii baadhitaanno boolisku ka wadeen dalalka Holland iyo Belgium ay ugu daateen guryo wadamadaa ku yaal.

Dacwad oogaha guud ee dalka Holland ayaa sheegay in uu jiro nin maareeye ka ah shirkad la rumaysanyahay in ay u adeegsatay daryeelka digaageeda walxo kiimidaad.

Fipronil ayaa ah daawo loo adeegsado in digaaga qirinkiirka iyo shilinta lagaga dilo lakiin hadii muddo dheer la wado xaddigana la kordhiyo, waxay halis caafimaad ku keenta aadanaha hilibka digaagaa cuna oo waxay wax yeeshaa kelyaha iyo beerka.

Waa walax laga mamnuucay in loo adeegsado daryeelka xoolaha, mar horena waxa boolisku baadheen dhismeyaal ku yaal dalalka Holland iyo Belgium.

Malaayiin xabo oo beed ah ayaa laga qaaday khaanadaha tukaamada waawayn ee ku yaal Yurub oo dhan, hase yeeshee waxay saraakiisha baadhitaanadan wadaa sheegeen in khatarta caafimaad ee ka dhalan karta xaddiga kiimikadaas ah ee ku jira beedkani ay aad u hoosayso.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Banaadir oo 3-0 ku dhufatay Xiddigaha Galmudug cayaar qeyb ka ah Tartanka maamul gobolleedyada

December, 11, 2017
Kulankan oo qeyb ka ah Tartanka maamul gobolleedyada ayaa waxaa ku awood sheegtay xulka Kubadda Cagta gobolka Banaadir ...

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Istanbuul,

December, 11, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Istanbuul ee dalka ...