Monday, November 20th, 2017
Advertisements
Advertisements

Waqtiga La Qaban Doono, Kooxaha Soo Gudbay, Isku Dhaca Dhici Kara & Wax Walba Oo Ku Saabsan Isku Aadka Wareega Groupyada Champions League.

Published on August 23, 2017 by   ·   No Comments

Kaliya shan kooxood ayaa ka dhiman in la buuxiyo tirada ka qeyb galeysa wareega groupyada koobka Champions League, caawa ayaana la sugayaa iney soo gudbaan oo ay 27-ka haatan diyaarka ah ku noqdaan 32.

Celtic, Sevilla, Napoli, Maribor iyo Olympiakos ayaa xalay awoodooda ku kasbaday iney ka mid noqdaan kooxaha ka qeyb galaya tartanka xilli ciyaareedka 2017/2018, waxaana sidoo kale tartanka sanadkaan soo tiigsaday Chelsea & Man United oo xilli ciyaareedkii hore sababo kala duwan kaga maqnaa tartanka.

Kooxaha Ingiriiska waxey noqon karaan shan kooxood waase hadii Liverpool ay caawa meel iska saarto Hoffenheim oo ay gurigeeda kusoo dhaweyn doonto kulanka lugta labaad ee play-offska.

Goorma Ayuu Dhacayaa Isku Aadka?

Isku aadka wuxuu qabsoomi doonaa berito [Khamiis] 24-ka August.

Halkuu ka dhici doona?

Grimaldi Forum ayaa la isugu keeni doonaa oo ku taala magaalada Monaco ee dalka faransiiska, warbaahinta, masuuliyiinta kooxaha & xubno matalaya xiriirka qaaradda yurub ee UEFA kuwaas oo ay muhiim tahay iney goob joog ka noqdaan.

Waqtiga Xafladda:

Saacadda Uk markey tahay 5pm, saacadda bariga yurubna ay tahay 6pm, saacadda Geeska Afrikana ay tahay 8pm (Laba saac fiidnimo).

KOOXAHA IYO QAANDAHA AY KU JIRAAN?

Afar qeybood ayaa loo qeybiyay taasoo la macno ah in afarta kooxood ee ku kulmaya wareega group-yada min hal kooxood laga soo xuli doono qeybtiiba.

QEYBTA 1-AAD:

Real Madrid

Bayern Munich

Chelsea

Juventus

Benfica

Monaco

Spartak Moscow

Shakhtar Donetsk

QEYBTA 2-AAD:

Barcelona

Atletico Madrid

PSG

Borussia Dortmund

Sevilla

Manchester City

W/Q Wariye C.Qaaadir cali Shakra

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Imaaraadka Carabta

November, 19, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi halkaas oo ay uga ...

{DAAWO SAWIRADA} Wasaaradda Dastuurka oo kulan la yeelatay Odayaasha Dhaqanka

November, 19, 2017
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista Dastuurka ayaa maanta kulan wadatashi ...