Warbixin: Chelsea Oo Durba Sii Fiirsatay Xidigii Ay Ku Wajahan Tahay Hadii Eden Hazard Uu Ku Biiro Barcelona

0
7

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Spain milkiilaha Chelsea Roman Abramovich ayaa doonaya inuu keeno Stamford Bridge da’yarka reer France Kylian Mbappe isla markaana uu kusoo xerogalin doono lacagaha uu ka helo iibka Eden Hazard.

Garabka Blues Eden Hazard waxaa si daran loola xiriirinayaa Barcelona si uu badal ugu noqdo Neymar Jr oo la fahansan yahay inuu lacag rikoorka aduunka ah ugu biiray Paris Saint Germain.

Si kastaba wararka xanta ah waxey sheegeyaan in Barcelona ay durba liiska xidigaha ay suuqa ka baadi goobeyso ku darsatay Eden Hazard oo ka mid ah xidgiaha garbaha ka ciyaara kuwooda ugu fiican qaaradda yurub.

Intaas waxaa sii dheer in mustaqbalka Kylian Mbappe aan wali la hubin inkastoo kooxdiisa ay ku sharaftay lambarka 10-aad hadana wali waxaa xiiseynaya kooxaha Real Madrid, Manchester City & Paris Saint Germain.

Wargeyska Don Balon wuxuu qirayaa in Chelsea ay diyaarsatay qorshe ay ugu dhaqaaqeyso Kylian Mbappe hadii uu kooxda ka baxo Eden Hazard.

Sida la wariyay Roman Abramovich wuxuu bangiga u jabin doonaa Kylian Mbappe isagoo isku dayi doona inuu saxiixiisa ku garaaco Real Madrid & Manchester City.

Dhinaca kale halyeeyga Blues Tony Cascarino ayaa qiray inuu xidigaan la jeclaan lahaa kooxdiisa xilli uu saxaafadda la hadlayay June.

“Waxaan si toos ah ugu dhaqaaqi lahaa wiilka Monaco Kylian Mbappe” ayuu yiri Cascarino.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here