Tuesday, January 16th, 2018
Advertisements
Advertisements

Amnesty International Oo War Kasoo Saartay Xasuuqa Lagu Haayo Muslimiinta Burma

Published on September 15, 2017 by   ·   No Comments

Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International ayaa sheegtay in ay heyo Cadeymo muujineyo In Ciidamada Dowladda Burna ay Howlgal isir sifeyn ah ka wadaan goobaha ay dagan yihiin Muslimiinta Rohingya ee dalkaasi Burma.

Hay’adda ayaa ku boorisay dowladdu Burma inay furto gobolka Rakhine si ay u gaaraan hay’addaha gargaarka iyo kooxaha xuquuqul insaanka qaabilsan.

Amnesty International ayaa sheegtay inay diiwaangalisay sawiro lagu qaaday dayax gacameedka oo muujinaya dab ballaaran oo u muuqda inuu yahay ol-ole cad oo isir sifeyn ah.

Qof goobjoog ah oo hadda ku jira xero qaxooti iyo muuqaalo lagu qaaday mobil-ke gacanta iyo hadalada ay sheegayaan dadka wali ku sugan Myanmar ayaa muujiyay arrintaan.

Waxa ay Amnesty xaqiijisay in ciidammada dowladda Burma iyo kooxa iskood isku abaabulay ay u adeegsadeen gaas iyo hub gubitaanka tuulooyinka muslimiinta Rohingya iyo leynta dilka dadkaasi deegaanka aha guud ahaan.

Ciidammada ayaa sheegay in ol-olahooda uu ku dhan yahay maleeshiyaadka Rohingya kadib weeraro is xigxigay ay kusoo qaadeen maleeshiyaadkaasi, balse aysan u dan lahayn shacabka

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Madaxweynaha Soomaliya Oo Goordhow Gaaray Dhuusa Mareeb

January, 16, 2018
Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunat Gobolka Galgaduud,halkaasi oo ...

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Si Maqaamkeedu Sarreyo Loogu so dhaweyay Magaalada Dhuusa-mareeb

January, 16, 2018
Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa goor dhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.     Garoonka ...