Friday, January 19th, 2018
Advertisements
Advertisements

Amniga Magaalada Jowhar oo la xoojiyey & Doorashada Madaxweynaha Oo Manta Dhaceeyso

Published on September 16, 2017 by   ·   No Comments

Waxaa si weyn loo xoojiyey amaanka magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe oo la filayo iney manta ka dhacdo doorashada Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Ciidamada AMISOM ayaa la wareegay hoolka ay ka dhaceyso doorashada, kuwaasoo xoojiyey amaanka wadooyinka gala xaruntaas.Boorar lagu xayeysiinayo sideeda musharax ee ku tartamaya doorashadan ayaa magaalada wadooyinkeeda lagu arkayaa, waxaana dadku ay si weyn u hadal hayaan doorashadan iyo cida ku soo bixi doonta.

Ciidamo Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la dhigay wadooyinka ugu muhiimsan ee ku yaalo Bartamaha magaalada Jowhar si ay ugu Hortagaan in la carqaladeeyo Doorshada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Musharaxiinta ka qeyb galaysa doorashadan ayaa wada ololahoodii midke ugu danbeeyey waxaana musharax walba uu doonayaa in uu noqdo madaxweynaha maamulka hirshabeelle

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{AKHRISO} Nin Bilyan dheer ku noqday saacado gudahood

January, 19, 2018
Ninka asaasay shirkadda tagaasiista ee Uber Travis Kalanick ayaa si rasmi ah u noqday bilyan dheer saacado gudahood, ...

Madaxweynaha Soomaliya Oo Amray In Aan La Bixin Dhul Dowladeed

January, 19, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka walaacsanyahay jiritaanka warar sheegaya ku xadgudub dhulalka ...